Aflagaado loo geystay Erdogan oo buuq ka dhalisay xeer-dejinta Turkiga

Image

ANKARA, Turkey – Buuq iyo gacan ka hadal ayaa hareeyay fadhigii shalay ee baarlamaanka dalka Turkiga kadib markii Xildhibaan mucaaradka ah uu aflagaadeeyay madaxweyne Recep Tayyib Erdogan.

Sidda laga dheehan karo muuqaal baraha bulshada ku faafay, xubno qaarkood ayaa waxa gacanta ula tegeen Engin Ozkoc.

Gacan-ka-hadalka oo sababay in ay xubnaha qaarkood is-feeraan qaar kelana isku deyaan in ay dejiyaan xaalada waxay ka dambeysay markii Ozkoc fursad loo siiyey in uu xeer-dejinta la hadlo.

Ozkoc, oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriyadda Dadka, ayaa dhaleeceeyay siyaasada Erdogan ee ku wajahan waddanka Suuriya.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id, wuxuu Erdogan ku tilmaamay "mid sharaf daran, khiyaanoole ah, qiimo dilan oo jaahil ah".

Si lamid ah, wuxuu ku eedeeyay in uu caruurta dadka Turkida ah uu u dirayo Suuriya si uu uga gaaro "ujeedo gaar u ah".

Mustafa Sentop, afhayeenka baarlamaanka Turkiga oo war-saxaafadeed soo saarey, ayaa cambaareeyay hadalka mudanaha.

Dacwad-oogeyaasha ayaa bilaabay baaritaan ku aabsan in hadaladaas ay ahaayeen "aflagaado ka dhan ah madaxweynaha," sidda ay warisay Anadolu oo ah wakaalada wararka u faafisa Turkiga.

Turkiga ayaa ku dhowaad 60 askari looga dilay Suuriya tan iyo markii uu bilaabay howlgalkiisa Suuriya, waxaana madaxweyne Erdogan uu ku hanjabay in ay u aargudi doonan ciidamadii "ka shahiidey".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo sheegay in Israa’iil dhisi doonto isbahaysi ka hortaga “xulafada Suniga iyo Shiicada”

Dhanka kale, Modi ayaa sheegay inuu si buuxda ugu raacsan yahay Netanyahu xoojinta xiriirka ka dhexeeya Hindiya iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    22-02-2026

  • 08:04PM

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Israa’iil oo la kulmay cambaareyn ballaaran

Huckabee ayaa hadalladan ka sheegay wareysi uu la yeeshay weriyaha Mareykanka Tucker…

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 10:13PM