AFRICOM oo war kale kasoo saartey Askarigii looga dilay Soomaaliya

Image

NAIROBI - Afhayeenka taliska Mareykanka ee Afrika, ee loona yaqaan AFIROM, Alexander "Alex" ayaa sheegay inay baarayaan qaabka uu u dhacay weerarkii looga dilay Askarigooda ee ka dhacay tuulada Baar-sanguuni, Lixdii bishaan June.

Askariga la dilay oo lagu magacaabi jiray Alexander Conrad, ayaa ku dhintay weerar gaadmo ah iyo madaafiic lagu soo tuuray Saldhig ay sugnaayeen Ciidamada isku dhaf ah oo ku yaalla duleedka Kismaayo ee Jubada Hoose.

Alex ma uusan sheegin sababta kaliftay inay baaraan weerarka, laakiin warar ayaa waxay sheegaya inay jiraan Askar Soomaali ah oo wax ka ogeyd dhacdadan, ayna ka qeyb qaateen abaabulka saldhiga lagu soo weeraray.

Shakiga waxaa keenay markii la ogaadey in aysan jirin Askar Soomaali ah oo weerar wax ku noqotay, maadaama kuwa dhaawacantay oo gaareysa afar ay iyaguna ahaayeen kuwa u dhashay Mareykanka, iyo hal Askari oo Kenyana ah.

Faah-faahinta ku saabsan qaabka loo sameynayo baaritaanka wali ma cadda, iyo sidoo kale cidda sameynaysa.

Mareykanka waxaa Soomaaliya waqti xaadirkaan ka jooga in ka badan 500 oo Askar ah, kuwaasoo fuliya howgallo kala duwan oo isugu jira inay tababaro siiyaan saraakiisha Ciidaamda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyo inay fuliyaan weerarada gaarka ah.

Askarigaan Mareykanka looga dilay Soomaaliya wuxuu noqonayaa midkii labaad sanadkaan gudhiisa, maadaama bishii May ee 2018 Askari kale looga dilay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM