ALGERIA: 257 ku dhimatay shil diyaaradeed

Image
Image

Algiers - Ugu yaraan 257 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku geeriyoodeen shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Algeria, oo kamid ah wadamada ku yaalla waqooyiga qaaradda Africa.

10 kamid ah dadkan ku dhintay shilka ayaa ahaa shaqaalaha diyaaradda.

Warbaahinta dowladda Algeria ayaa xaqiijisay in diyaaradda oo ahayd mid Militariga ay soo dhacday waxyar kadib ay ka duushay saldhiga Ciidamada Cirka ee Boufarik airbase.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa Ilyushin Il-76, islamarkaana lagu farsameeyay Ruushka ayaa ku burburtay duleedka magaalada Algiers ee Caasimadda dalka Algeria.

Saraakiisha Ciidamada cirka ayaa sheegay in diyaaradda ay waday Askar kusoo jeeday magaalada Bechar, oo ku taalla Algeria, kuwaasi oo dhamaantood ku dhimatay shilka

Wasaaradda gaashaandhigga Algeria ayaa xaqiijisay shilka diyaaradeed, oo noqonaya midkiii ugu xumaa oo dalkaasi ka dhacay tan iyo 2003.

120 qof ayaa naftooda ku waayay diyaarad ay leeday Shirkadda Algerie jet oo burburtay daqiiqado kadib markii ay kasoo kacday Garoonka Tamanrasset ee wadanka Algeria.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM