Amiir katirsan dowladda Imaaraadka oo geeriyooday

Image

ABU DHABI - Ku xigeenka Gollaha sare ee Imaaraadka, ahna ku xigeenka Maxkamadda sarre Sheikh Saud bin Saqr Al Qasimi, ayaa ku dhawaaqay in Galabnimadii Axadda uu geeryooday Amiir Sheikh Hamad bin Mohammed Al Qasimi.

Alle ha u naxriistee, Amiir Sheikh Hamad bin Mohammed Al Qasimi wuxuu ahaa maamulaha Imaaradda Sharjah ee dalka Imaaraadka.

War-saxaafadeed ayaa lagu yiri: "Maxkamada Boqortooyadda Diwan waxay ku dhawaaqeysaa Geeridda Sheikh Hamad bin Mohammed, waxaana uga tacsiyadeynayaa Ehelka iyo Asxabta.

Bayaanka ayaa lagu cadeeyay in Amiirka la aasi doono maanta oo Isniin ah, iyadoo Salaada Janaazadda lagula tukan doono Masaajid ku yaala Magaaladda Ras Al Khaimah ee dalka Imaaraadka.

Madaxda ugu sareysa Imaaraadka ayaa ka tacsiyeeyay geeridda ku timid marxuum Sheikh Hamad bin Mohammed Al Qasimi, iyagoona u rajeeyay inuu EEBE naxariistiisa Jannada siiyo.

Laakiin, war saxaafadeedka laguma sheegin sababta ka dambeysay Geeridda marxuum Sheikh Hamad bin Mohammed Al Qasimi, illaa iyo haatan ma aysan soo warin saxaafadda Imaaraadka.

Warka ayaa waxaa kaloo lagu bidhaamiyay in calanka Imaraadka hoos loo dhigi doono, islamarkaana dalka ku galayo saddex maalmood oo xishmad ah oo ka bilaabaneysa Isniinta maanta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM