Ammaanka magaalada Paris oo si weyn loo adkeeyey

Image

January 11, 2015 (GO)- Ammaanka magaalada Paris ee xarunta dalka France ayaa si weyn loo adkeeyey, halkaasoo lagu wado saacadaha soo socda inuu ka bilowdo socod shan milyan oo qof ka qayb gelayaan laguna xusayo dhibaneyaashii ku geeriyoodey weeraradii dhacay todobaadkii hore ee lagu diley 17-ka qof.

Socodka waxaa la filayaa inay kasoo qayb galaan madax ka socota dalalka Maraykanka, Midowga Yurub, Bariga Dhexe iyo Africa. Mas'uuliyiinta ka qayb gelaya socodka Paris waxaa kamid ah Madaxweynaha France, Boqorka Jordan, Ra'isal Wasaaraha Turkey, Ra'isal Wasaaraha Israel iyo Madaxweynaha Palestine.

Ku dhowaad afar kun oo askari oo isugu jira boolisa iyo militeri ayaa sugaya ammaanka, waxaana goobaha sida weyn loo ilaalinayo kamid ah boosteejooyinka laga raaco tareemada dhulka hoostiisa mara.

Arbacadii lasoo dhaafay ayey ahayd markii labo nin oo wejiga soo duubtay gudaha u galeen xarunta wargeyska Charlie Hebdo dabadeena toogasho ku dileen 12 qof oo shaqaalaha waregeyska ka tirsan tiftirihii guudna kamid ahaa. Weerarkaas waxaa geystey labo nin oo walaalo ahaa laguna kala magacaabi jirey Said Kouachi iyo Cherif Kouachi.

Charlie Hebdo wuxuu horay u daabacay sawir gacmeedka shaqsiyad kartooni ah oo lagu aflagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH, arrintaasoo caro xooggan ka dhalisay dunida Muslimka ah.

Isla todobaadkii hore waxaa weerar lagu qaaday maqaayad dadka Yuhuuda ahi leeyihiin halkaasoo lagu diley afar qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sadiq Khan: Muxuu Trump igu mashquulay anigoo duq magaalo ah, oo qol uga degay Maskaxdiisa?

Balse Sadiq Khan ayaa isagu jawaabtiisa ku sheegay: “Waxaan si weyn ugu faanayaa horumarka aan ka sameyneyno magaalada London.

  • Caalamka

    24-09-2025

  • 11:52AM

Muftiga Guud ee Sacuudiga, Sheikh Abdulaziz bin Abdullah Al-Sheikh, oo geeriyooday

Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed bin Salman – oo hadda gacanta ku haya maamulka maalinlaha ah ee dalka.

  • Caalamka

    24-09-2025

  • 08:12AM