​Ammaanka Hong Kong oo la adkeeyay

Image

In kabadan 6000 oo askari bilays ah ayaa la howl galiyay iyadoo laga cabsi qabo dibaxyo ka dhaca Jaziiradda Hong Kong ee dalka Shiinaha, waxaana arrintaasi timi kadib markii uu booqashadii ugu horaysay 2 sano ka bacdi uu ku tagay sarkaal sare.

Zhang Dejiang oo ah mas'uulka Shiinaha u qaabilsan arrimaha gobolka Hong Kong, ayaa socdaalkiisu salka ku hayaa qaabkii xal looga gaari lahaa muranka ka taagan rabitaanka shacabka ee dimuqraadiyadda.

Dejiang, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay qaadi doonaan aragtida shacabka sidaasina tahay ujeedka safarkiisa.

Booqashada sarkaalkan ayaa dhinaca kale ku soo beegantay iyadoo dadka Jaziiraddu aad uga biyo diidsanyihiin faro galinta Beijin ee maamul hoosaadka Hong Kong.

Sarkaalkan oo qaadan doona booqasho saddex maalmood ah, ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo shir looga hadlayo dhaqaalaha dalkaasi.

Wuxuu sidoo kale la kulmi doonaa Xildhibaanada dimuqraadiyadda u ololeeya.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM