​Ammaanka Hong Kong oo la adkeeyay

Image

In kabadan 6000 oo askari bilays ah ayaa la howl galiyay iyadoo laga cabsi qabo dibaxyo ka dhaca Jaziiradda Hong Kong ee dalka Shiinaha, waxaana arrintaasi timi kadib markii uu booqashadii ugu horaysay 2 sano ka bacdi uu ku tagay sarkaal sare.

Zhang Dejiang oo ah mas'uulka Shiinaha u qaabilsan arrimaha gobolka Hong Kong, ayaa socdaalkiisu salka ku hayaa qaabkii xal looga gaari lahaa muranka ka taagan rabitaanka shacabka ee dimuqraadiyadda.

Dejiang, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay qaadi doonaan aragtida shacabka sidaasina tahay ujeedka safarkiisa.

Booqashada sarkaalkan ayaa dhinaca kale ku soo beegantay iyadoo dadka Jaziiraddu aad uga biyo diidsanyihiin faro galinta Beijin ee maamul hoosaadka Hong Kong.

Sarkaalkan oo qaadan doona booqasho saddex maalmood ah, ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo shir looga hadlayo dhaqaalaha dalkaasi.

Wuxuu sidoo kale la kulmi doonaa Xildhibaanada dimuqraadiyadda u ololeeya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM