Anas al-Shariif iyo shan wariyeyaal Al Jazeera ah oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil
GAZA — Warbaahinta Al Jazeera ayaa xaqiijisay in wariye Anas al-Shariif, oo si weyn looga yaqaaney tebinta xaaladda dhabta ah ee Qasa, lagu dilay weerar ay Israa’iil ka fulisay afaafka hore ee isbitaalka al-Shifa ee magaalada Qasa. Dilka al-Shariif ayaa dhacay Axaddii, iyadoo lala beegsaday teendho ay ku sugnaayeen saxafiyiin, sida uu sheegay agaasimaha isbitaalka.
Al-Shariif, oo 28 jir ahaa, ayaa muddo dheer ka soo waramayey waqooyiga Qasa, isagoo caan ku ahaa warbixinno toos ah oo ay la socdeen muuqaallo nololeed oo ka tarjumayay xaaladda dadka rayidka ah. Weerarka ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay weriyaha kale ee Al Jazeera, Maxamed Qurayqi, iyo laba qof oo ka shaqeynayey qalabka kaamirada — Ibraahim Zaaher iyo Maxamed Nufal.
Saacado kooban ka hor inta aan la dilin, al-Shariif ayaa boggiisa X wxaaa uu ku qoray in Israa’iil ay bilowday duqeymo xooggan oo loo yaqaan “xargo dab ah” oo si xiriir ah u garaacaya bariga iyo koonfurta magaalada Qasa. Fiidiyowgiisii ugu dambeeyay ayaa muujinayay cirka oo uu ka muuqdo iftiin oranji ah, iyadoo dhawaaqa madaafiicda iyo gantaallada culus si cad loo maqlayey.
Qoraalkiisii ugu dambeeyay ee uu soo dhigay X, wuxuu ku yiri: “Duqeyn joogto ah… Labadii saac ee la soo dhaafay, weerarada Israa’iil ee magaalada Qasa aad bay u xoogeysateen.”
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in al-Shariif uu hoggaaminayay unug ka tirsan Xamaas oo weeraro ku qaada askarta iyo shacabka Israa’iil, isla markaana ay hayaan caddeymo ay ku tilmaameen “kuwa aan la dafiri karin.” Sheegashadan ayaa waxaa si buuxda u beeniyey khubaro xuquuqda aadanaha ah iyo Al Jazeera, iyagoo ku tilmaamay mid qeyb ka ah olole lagu sumcad dilayo suxufiyiinta Qasa.
Ururka Euro-Mediterranean Human Rights Monitor ayaa sheegay inaysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaysa in al-Shariif uu ku lug lahaa dagaal, balse uu maalin walba hor taagnaan jiray kamarada isaga oo laga duubayo warbixin toos ah.
Al Jazeera ayaa horey uga digtay waxa ay ku sheegtay “olole ku dhisan naceyb iyo sumcad dil” oo Israa’iil ka wado baraha bulshada iyo saxaafadda, si gaar ahna loogu bartilmaameedsanayo al-Shariif. Bishii Luulyo, afhayeenka ciidamada Israa’iil Avichai Adraee ayaa dib u faafiyay muuqaal ku eedeeyay al-Shariif inuu ka tirsan yahay garabka milateri ee Xamaas — eedeymo ay Al Jazeera si adag u diiday.
Tan iyo markii dagaalka Qasa uu billowday bishii Oktoobar 2023, Israa’iil ayaa marar badan ku eedeysay wariyeyaasha reer Falastiin inay ka tirsan yihiin Xamaas, taas oo ay kooxaha xuquuqda aadanaha sheegeen in ay qayb ka tahay qorshe lagu dhaawacayo kalsoonida lagu qabo warbixintooda ku saabsan xadgudubyada Israa’iil.
Hay’adda Ilaalinta Suxufiyiinta (CPJ) ayaa sheegtay in tan iyo bilowgii weerarrada Israa’iil lagu dilay in ka badan 200 oo wariyeyaal iyo shaqaale warbaahineed, oo ay ku jiraan dhowr ka tirsan Al Jazeera iyo eheladooda, waxayna ka digtay khataro joogto ah oo ku wajahan nolosha al-Shariif ka hor inta aan la dilin.
Garowe Online oo warbixinadaan ka soo ururiyey saaxafada caalamiga ayaa tarjumey warbixintaan.