Angela Merkel oo karan-tiil la geliyey markii looga shakiyey Coronavirus

Image

BERLIN, Germany – Ra'iisul Wasaaraha dalka Jarmalka, Angela Merkel, ayaa la geliyey karan-tiil ka gedaal markii dhakhtar iyadda siiyey talaal laga helay Coronavirus, sidda ay ku warantay warbaahinta.

Marwo Merkel ayaa lagu wargeliyey tijaabada dhakhtarta waxyar kadib markii ay qabatay shir jaraa'id oo ay kusoo bandhigtay talaabooyin cusub oo lagu xakameynayo faafitaanka cudurka.

Steffen Seibert, afhayeenka Angela Merkel, ayaa kadib xaqiijiyey xaalada cusub ee lasoo gudbontay haweenayda 65-sano jirta ah.

War-saxaafadeed uu soo saarey ayuu shaaca uga qaadey talaalka Jimcadii la siiyey Markel uu ku saabsanaa cudurka qaaxadda.

Isagoo hadalkiisa sii wata, afhayeenka ayaa xusay in mudada ay ku jirto karan-tiilka lagu sameynayo baaritaanka.

Kahor inta aysan gelin karan-tiilka, Markel ayaa waxay ku dhawaaqdey in la mamnuucay kulamada dadweynaha ee waddankaas.

Intii ay ku guda jirtay shirka jaraa'id, mudada xayiraadaas heerka qaran ah ayay hoosta ka xariiqdey in ay socon doonta muddo laba todobaad ah.

Sikastaba ha ahaatee, Angela Merkel ayaa ku biireysa liiska hogaamiyeyaal caan ka ah aduunka oo karan-tiil u galay fayruskaas faraha kulul ku haya dunida isla markaana dilay in ka badan 11-kun oo ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM