Anwar Ibraahim: Halgankii rubuc qarniga qaatay ee mirodhalay
KUALA LUMPUR, Malaysia - Magaciisa waa Anwar Ibraahim, wuxuu todobaadkan noqday sheekada ugu weyn dunida ee dhanka doorashooyinka iyo isbadelka hoggaanka dalalka, gaar ahaan kuwa dhaqaale ahaan horumaray, bulshada adduunkana diiradda ku hayso.
Anwar ayaa si lama filaan ah u noqday Ra’isulwasaaraha dalka Malaysia kadib markii doorasho dhacday uu xisbana heli waayay aqlabiyaddii loo baahnaa baarlamaanka si uu xukuumad usoo dhiso, taas oo horseedday in boqorka dalkaasi Boqor Cabdullaahi uu isaga si shaqsiyan ah u gaaro go’aanka cidda noqonaysa Ra’isulwasaaraha.
Waxa sheekadiisa xiisaha u yeelaya ayaa ah in wax ka badan labo jeer uu xabsi u galay damaciisa siyaasadeed , muddo 25 sano ahna uu ahaa mucaaradka ugu codka dheer Malaysia ee isbadal doonka ah.
Sanadihii sideetanaadkii ayuu soo ifbaxay isaga oo markaasi ka tirsanaa ururada ardayda, wuxuuna ahaa hadal yaqaan fagaare-ka-hadalka ku fiican, islamarkaasna abaabule weyn ah, balse dad badan ayaa la yaabay markii uu ku biiray xisbiga talada hayay ee Mahaatiir Maxamed uu hormuudka ka ahaa daboyaaqadii sideetanaadkii ee United Malays National Organisation (UMNO).
75 jirkan ayaa dhashay 1947-dii, aabihiis wuxuu ahaa xubin baarlamaan, hooyadiisna waxa ay ahayd dadka abaabula siyaasadaha. Horraantii sagaashanaadkii ayaa loo magacaabay Ra’isulwasaare ku xigeenka Malaysia, xiligaas oo uu Ra’isulwasaaraha ahaa Mahaatiir Maxamed.
Balse markii uu dhacay qalalaasihii dhaqaalaha Aasiya ee 1997-dii ayay isku dhaceen labada nin, taas oo keentay in Anwar xilka laga eryo, laguna soo oogo dacwado ay ka midyihiin musuq maasuq iyo in uu faro xumeeyay nin la shaqaynayay, eedeymahaas oo lagu tilmaamay kuwa siyaasadaysan oo aanan sax ahayn.
Markaas wixii ka dambeeyay dhawr jeer ayuu xabsi galay, isaga oo asaasay xisbi isaga uu hoggaamiyo. Markii lasoo gaaray sanadkii 2016-kii ee uu siyaasadda dib ugu soo laabtay Mahatiir Maxamed ayay hoosta ka heshiiyeen Anwar Ibraahim, isbahaysi ayay samaysteen, waxayna ku guuleysteen doorasho dhacday 2018-kii , iyada oo heshiiska ahaa in 2 sano kadib xilka Ra’isulwasaarenimada lagu wareejiyo Anwar maadaamaa Mahaatiir uu aad u gaboobay.
Balse heshiiskaasi wuxuu burburay 2020-kii kadib markii la isku qilaafay arrimo badan, taasna keentay in Mahatiir iscasilo, isbahaysigiina burburo, islamarkaasna kursiga Ra’isulwasaarenimada ay markale hoostiisa ka baxday Anwar Ibraahim.
Xisbigii UMNO ee uu Mahaatiir ka baxay ayaa awoodda kusoo laabtay, balse sanadkan ayay ku dhowaaqeen in ay qabanayaan doorasho xiligeeda laga soo hormariyay kadib markii ay isku qanciyeen in ay heli karaan aqlabiyad ku filan oo ay kaga maarmaan isbahaysiga xisbiyada yaryar.
Balse sidii la filayay ma dhicin, xisbiga Anwar ayaa heley codad badan, xisbiga UMNO iyadana ma helin codad ku filan oo ay dowlad kusoo dhisi karto, halkaas ayayna kasoo baxday fursaddii uu Anwar usoo halgamayay mudada dheer.
GAROWE ONLINE