Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Image

TEHRAN - Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa Isniintii sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu xaddido barnaamijka nukliyeerka haddii laga qaado cunaqabataynta, sida ay uga heshiyeen awoodaha caalamiga ah heshiiskii taariikhiga ahaa ee 2015.

"Arrintani ma aha wax cusub. Waxaan hore u sheegaynaa in si loo dhiso kalsooni ku saabsan dabeecadda nabadeed ee barnaamijkeena nukliyeerka, aan diyaar u nahay inaan qaadno tallaabooyin taxane ah haddii cunaqabataynta aan cadaaladda ahayn la qaado," ayuu yiri Esmail Baghaei.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya kaddib booqashadii dhoweyd ee sarkaal ka socday Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA) uu ku tagay Iran toddobaadkii hore.

Xiriirka labada dhinac ayaa xumaaday kaddib dagaal cirka oo 12-maalmood socday oo Israel iyo Maraykanku ku qaadeen June, kaasoo lagu duqeynayay xarumo muhiim ah oo nukliyeerka Iran ah.

Guddiga IAEA ayaa ku dhawaaqay 12-kii June in Iran ay jabisay waajibaadkeeda ka hortagga faafinta hubka nukliyeerka, hal maalin ka hor duqeyntii cirka ee Israel ee Iran taasoo sababtay dagaalka.

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

"Wadahadallada way sii socon doonaan, waxaana suuragal ah in maalmaha soo socda lagu qabto wareeg cusub oo wadahadallo ah oo u dhexeeya Iran iyo IAEA."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM