Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Image

SYDNEY – Xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa Australia iyo Israel ayaa cirka isku shareertay kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, uu si kulul u weeraray Ra’iisul Wasaare Anthony Albanese, kuna tilmaamay "siyaasi daciif ah oo Israel khiyaamay."

Hadalka Netanyahu ayaa jawaab adag kala kulmay dowladda Australia, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Tony Burke, uu sheegay in hadalka Netanyahu uu muujinayo “hogaamiye niyad-jabsan oo xanaaqa la dagaalay.”

“Xoog lama cabbiro inta qof ee aad dili karto ama inta carruur ah ee aad gaajo ku riddo,” ayuu Burke u sheegay telefishinka ABC.
“Waxa aan aragnay waa in ficillada ay qaadayaan Israel ay sii fogeynayaan waddankaas dunida inteeda kale, taasoo aysan iyaguba dantooda ku jirin,” ayuu raaciyay.

Hadalladan ayaa yimid kaddib markii Australia ay toddobaadkii hore shaacisay inay aqoonsanayso dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah, taasoo ay raaceen dalal ay ka mid yihiin Faransiiska, Canada, iyo (UK).

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

Isniintii, Australia waxay joojisay fiisihii uu ku imaan lahaa siyaasiga fog ee xagjirka ah ee Israa’iil, Simcha Rothman, iyadoo sheegtay in socdaalkiisa uu “kicin lahaa kala qeybsanaan iyo nacayb.”

Israel ayaa Talaadadii uga falcelisay tallaabadaas iyadoo la laashay fiisooyinkii diblomaasiyiinta Australia ee u joogay Maamulka Falastiin.

Netanyahu ayaa xiisadda sii huriyay isagoo xalay bartiisa X (hore Twitter) kusoo qoray:
"Taariikhdu waxay xusi doontaa Albanese waxa uu yahay: Siyaasi daciif ah oo khiyaamay Israel kuna tumanaya Yuhuudda Australia."

Australia ayaa muddo dheer loo arkayay saaxiib dhow oo Israel la leh, iyadoo magaalada Melbourne ay hore u ahayd guriga ugu weyn ee dadka ka badbaaday xasuuqii Holocaust-ka marka laga reebo Israel.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalka lagu tilmaamay xasuuqa ee Gaza ka socda ayaa si weyn u beddelay xiriirka labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha New Zealand, Christopher Luxon, ayaa isaguna toddobaadkii hore sheegay in Netanyahu “caqliga ka baxay,” isagoo muujiyay in Israel ay si isa sii taraysa uga go’eyso beesha caalamka.

New Zealand ayaa sidoo kale sheegtay inay ka fiirsanayso aqoonsiga Falastiin.

Xiriirka Israel iyo Australia ayaa horey u xumaaday kaddib markii ay dalka Australia ka dhaceen falal naceyb ah oo ka dhan ah Yuhuudda, gaar ahaan magaalooyinka Sydney iyo Melbourne dabayaaqadii sanadkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM