Arday Soomaali ah oo lagu xiray Turkiga [Akhri Sababta]

Image

ISTANBUL - Booliska dalka Turkiga ayaa xabsi dhigay Tobban Arday oo u dhashay dalka Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka ah 16 kale oo kasoo kala jeeda dalalka Jabuuti, Guinea/Geni iyo Suuriya.

Saddex waxay u dhasheen Jabuuti, labo waxay kasoo jeedaan Guinea oo Africa kamid ah iyo mid u dhashay dalka Suuriya.

Xubnahaan ayaa waxay Booliska ku tuhmayaa inay xiriir la leeyihiin Ururka FETÖ, kaasoo dalka Turkiga mamnuuc ka ah, islamarkaana dowladdu u aqoonsan tahay inuu yahay "argigixiso".

FETO ayaa ah dhaq-dhaqaaq uu aas-aasay wadaadka Fetullah Gulen ee ku nool Mareykanka, kaasoo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyo afgembigii fashilmay ee 15-kii July 2016 lala damacsanaa in xukunka looga tuuro Erdoagan.

Xafiiska Xeer-illaalinta ee dalka Turkiga ayaa wuxuu sheegay in Ardaydaan ay laga soo qabtay Hoygooda, islamarkaana uu ku jiro Shaqsi ay sheegeen inuu xiriir la lahaa dadka meel ka baxsan Turkiga ku sugan.

Boolisku wuxuu intaas ku daray in Ardayda ay ku sameyn doonan baaritaan, islamarkaana waxay xaqiijiyeen inay hadda ku hayaan Saldhiga Booliska ee gobolka Mersin, ee Koonfurta dalka Turkiga.

"Waxaa kaloo jiraa xubno kale oo gaaraya Todobo kuwaasoo hadda ay Boolisku ku daba-jiraan, kana mid ah koox baaritaano ku socdaan," ayuu sarkaal ka tirsan Booliska ku daray hadalkiisa.

Fethullah Gülen, waxaa lagu eedeeyay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay Afgambigii fashilmay ee Turkiga ka dhacay 2016-kii, inkasta oo uu beeniyay eedayntaas culus ee dowladda uga timid.

Tan iyo wixii intaas ka dambeeyay dowladda Turkiga ayaa waxay waday howlgalo ka dhan dadka ay ku tuhmeyso inay wax ka ogaayeen Afgambigaas, iyagoona ay noqoneyso markii ugu horeysay oo Dad Soomaaliya loo xiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM