​Argentina: Dambi lagu helay saraakiil hore

Image

Maxkamad ku taalla waddanka Argentina, ayaa saraakiil hore ku heshay dilal, shirqool iyo jirdil loo gaystay muwaadiniin dalkaas u dhashay, gaar ahaan hogaamiyihii mucaaradka garabka bidix ee Koonfur America.

Sariikiishan, oo milletiriga waddankaasi katirsanaa ayaa Afartan sano ka hor maleegay qorshe lagu dilay hogaamiyahaasi, waxaana falkaasi ku lug lahaa waddamo dhawr ah iyadoo loogu magac daray howlgalkii Coomaadiga [Opertation Condor].

Maxkamadda aya sidoo kale lagu wargaliyay in Boqolaal qof oo kale lagu waayay dambi ah inay u ololeynayeen hishiis qarsood ahaa oo dhexmaray dalalka Argentina, Uruguay, Brazil, Chile, Paraguay iyo Bolivia.

Hoggaamiyhii hore ee militeriga Argentina, Reynaldo Bignone, ayaa 20 sano loogu xukumay qeybtii uu ka qaatay howlgalkan.

Gaashaanle hore oo u dhashay Urugway, Manuel Cordero, ayaa isna lagu helay jirdil.

Ninkan, ayaa la filayaa in lagu qaado dacwad la xiriirta dambiga lagu helay, wuxuuna la kulmi doonaan go'aan adag maadama uu qayb ka ahaa rag kiiskooda waqti badan la baarayay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM

Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay cadaadiska canshuuraha Trump iyo mowqifka Greenland

Starmer, oo ay garab taagnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvette Cooper iyo Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 09:36AM