Askari Ameeirkaan ah oo u dhintay weerarkii Congress-ka

Image

WASHINGTON, US – Sarkaal ka tirsan Booliska xarunta baarlamaanka Mareykanka ayaa u dhintey dhaawacyo ka soo gaarey iska hor imaadyo ay la galeen taageerayaasha madaxweyne Donald Trump, kuwaas oo xoog ku galay dhismaha Capitol si looga hor istaago in Koongarasku uu caddeeyo madaxweynaha la doortay Joe Biden, sidda uu talisku shaaciyey.

"Brian D Sicknick waxaa soo gaaray dhaawacyo intii uu ku guda jiray waajibaadkiisa, isagoo jidh ahaan kula hawlanaa rabshadaha ka socda xarunta Capitol ee Mareykanka," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka ayaa la raaciyey: “Markii uu ku laabtey xafiiskiisa ayuu miyir-beelay. Waxaa loo qaaday isbitaal maxalli ah halkaas oo uu ugu dhintay dhaawicii habeennimadii Khamiista".

Geerida Sicknick waxaa baari doona Waaxda dilalka ee bileyska, Booliska xarunta baarlamaanka Mareykanka iyo baarayaasha federaalka.

Dimuqraadiyiinta ayaa ka tacsiyeeyay geerida sarkaalka waxaana ay sheegeen in ay aad uga naxeen, ayaga oo geeridiisa ku sifeeyay "in ay la macno tahay in la waayey naf aad muhiim ugu ahayd dadka Mareykanka".

Qoyskiisa, asxaabtiisa, ehelkiisa iyo shaqaalaha xarunta baarlamaanka Mareykanka ayay u rajeeyeen bedel wanaagsan.

Dhimashadda sarkaalka ayaa la macno ah in weerarkii xarunta baarlamaanka Mareykanka ay ku naf-waayeen laba ruux maadaama horey loo xaqiijiyey haweenay. Dhaawaca ayaan wali la xaqijin. Balse, wararka saxaafadu waxay xusayaan in ay ka badan yihiin tobban ruux oo rayid ah. Dhacdadaas waxay sababtay in Donald Trump laga xayiro Facebook iyo Twitter.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM