Assad oo booqasho naadir ah ku tagay Imaaraadka Carabta
ABU DHABI – Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad ayaa magaalada Dubai kula kulmay dhaxal-sugaha Dubai Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, madaxtooyada Suuriya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, tan ayaa noqonaysa booqashadiisii ugu horreysay ee uu ku tago waddan Carbeed tan iyo markii uu billowday dagaalka Suuriya 2011-kii.
Assad ayaa sidoo kale la kulmay dhaxal-sugaha Abu Dhabi, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, wakaaladaha wararka ee dowladda Imaaraadka Carabta iyo Suuriya baahiyay goor dambe oo Jimcihii ah.
Kulankan ayaa imaanaya maalmo kadib sanadguuradii 11-aad ee kasoo wareegtay markii uu bilowday kacdoonka ka socda dalka Siiriya, kaasi oo aan ugu dambeyntii lagu guuldaraystay in xukunka laga tuuro Al-Asad.
Kulanka u dhexeeya Assad iyo Al Maktoum "ayaa lagu falanqeeyay xiriirka guud ee labada dal iyo rajada laga qabo in la ballaariyo wareegga iskaashiga laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga iyo ganacsiga," wakaaladda wararka ee Suuriya ee SANA ayaa sheegtay.
WAM, oo ah wakaaladda wararka Imaaraadka, ayaa ku warantay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen "arrimaha ay wadaagaan", sida madaxbannaanida dhuleed ee Suuriya iyo ka bixitaanka ciidamada shisheeye ee dalka.
Booqashadan ayaa soo diraysa fariin ah in qaar ka mid ah wadamada Carabta ay diyaar u yihiin in ay dib ula falgalaan madaxweynaha Suuriya oo mar si weyn loo diiday. Dhowr waddan oo Carbeed ayaa dib u soo nooleynaya xiriirkii ay la lahaayeen Asad, oo ay ku jiraan Urdun iyo Lubnaan, kuwaas oo ku booriyay Mareykanka inuu ka khafiifiyo cunaqabateynta Dimishiq si loo xoojiyo ganacsiga.
Suuriya ayaa laga saaray xubinimadii 22-ka xubnood ee ururka Jaamacadda Carabta, waxaana qaadacay dalalka deriska la ah, ka dib markii uu dagaalku qarxay 11 sano ka hor. Boqolaal kun oo qof ayaa lagu dilay dagaalka, kaas oo barakiciyay kala bar dadka Suuriya. Qaybo badan oo ka mid ah Suuriya ayaa la burburiyay waxaana dib u dhiska uu ku kici lahaa tobanaan balaayiin doolar.
Wadamada Carabta iyo kuwa reer Galbeedka ayaa guud ahaan Al-Asad ku eedeeyay in uu mas’uul ka yahay howlgallada lagu hoobtay ee lagu qaaday mudaaharaadyadii 2011-kii oo isu beddelay dagaal sokeeye, waxayna taageereen mucaaradka maalmihii ugu horreeyay ee colaadda.
Xukuumadda Asad ee Suuriya ayaa sidoo kale lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini'aadantinimada oo ay gaysteen hay'adaha xuquuqul insaanka.
Si kastaba ha ahaatee, iyadoo dagaalku uu noqday mid cakiran, isla markaana uu dib u soo kabanayo maamulka Bashaar Al-Asad, taasoo ay ugu wacan tahay kaalmada milateri ee ay ka helaan xulafada Ruushka iyo Iran, dhowr waddan oo Carbeed ayaa ku soo dhawaaday inay dib u soo celiyaan xiriirkii ay la lahaayeen Asad.
Ujeedada ugu weyn ee qaar ka mid ah dalalka Carabta ee Khaliijka, sida Imaaraadka iyo Sacuudiga, ayaa ah inay meesha ka saaraan ku lug lahaanshaha cadawgooda Iran, taasoo u arkaysay inay saameynteeda si degdeg ah ugu fidday qaska dagaalka Suuriya.
Imaaraadka Carabta ayaa si gaar ah isugu dayay inay la xiriiraan Assad, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraadka, Sheikh Abdullah bin Zayed, uu bishii November ku booqday madaxweynaha Suuriya magaalada Dimishiq, oo ah mas’uulkii ugu horreeyay ee imaaraad ah oo booqda tan iyo 2011-kii.
GAROWE ONLINE