Australia: ciyaaryahan u geeriyoodey kubbad madaxa kaga dhacdey

Image

November 27, 2014 (GO)- Ciyaaryahan caan ahaa oo u dhashay Australia islamarkaana ciyaari jirey kubadda cricketka ayaa u geeriyoodey dhaawac labo maalmood kahor madaxa kasoo gaarey.

Phillip Hughes oo 25 jir ahaa Isniintii ayaa la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada Sydney kadib markii kubadda yar ee cricket-ka lagu dheelaa madaxa kaga dhacday.

Ciyaaryahanka ayaa dhulka ku dhacay dabadeena miyiri beelay waxaana daqiiqado kadib loo qaaday isbitaalka St Vincent's halkaasoo markii dambe uu ku geeriyoodey.

Dr Peter Brukner oo ah dhaqtarka gaar ah ee xulka qaranka Australia ayaa sheegay in Hughes u geeriyoodey dhaawac kasoo gaarey qaybta dambe ee madaxa.

Phillip Hughes wuxuu kamid ahaa ciyaarhannada ugu xirfadda fiican looguna jecel yahay kuwa dheela kubadda cricket-ka ee dalka Australia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Netanyahu uga digay joogitaanka ciidamada Israel ee Suuriya iyo Lubnaan

Warbixinta ayaa sheegtay in intii lagu jiray wada hadal telefoon oo dhex maray labada hoggaamiye Khamiistii la soo dhaafay.

  • Caalamka

    14-07-2026

  • 06:52PM

Mareykanka oo Duqeeyey 140 Bartilmaameed oo ku Yaalla Iran

Dhanka kale, Iiraan ayaa la sheegay inay jawaab ahaan weerarro ku qaaday Baxrayn, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    13-07-2026

  • 09:44AM