Australia oo muwaadniinteeda kula talisay in ay k baxaan Lubnaan

Image
Codsigan ayaa daba socda talooyin la mid ah oo ay bixiyeen safaaradaha Mareykanka iyo UK.

DOOXA, Qadar - Australia ayaa ka codsatay muwaadiniinteeda inay si degdeg ah uga baxaan Lubnaan, iyadoo sheegtay inay jirto khatar ka dhalatay xiisadda u dhaxaysa maamulka Israa'iil iyo kooxda Xisbullah.

Codsigan ayaa daba socda talooyin la mid ah oo ay bixiyeen safaaradaha kale ee qaar kamid ah dowladaha reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka iyo Ingiriiska toddobaadkan.

"Hadda waa waqtigii la bixi lahaa, xaaladda ammaanku waxay si degdeg ah u xumaan kartaa ogeysiis la'aan," Wasiirka Arrimaha Dibadda Penny Wong ayaa ku sheegtay muuqaal la soo dhigay X.

Wong ayaa xustay in madaarka Beirut uu gabi ahaanba la xiro karo haddii xaaladdu ka sii darto, oo ay suurtagal tahay inay xayiraan dadka doonaya inay baxaan "muddo dheer".

Iyadda oo hadalkeeda sii wadata, Penny Wong ayaa waxay ku boorrisay dadka Australiyaanka ah inay adeegsadaan duullimaadyo ganacsi inta ay shaqeynayaan.

Ilaa 15,000 Australian ah ayaa ku nool Lubnaan, iyadoo tirada ay kor u kacday kumaankun bilihii xagaaga ee dalka ee bilaha Juun ilaa Sebtembar, sida laga soo xigtay mareegta arrimaha dibadda ee Australia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM

Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay cadaadiska canshuuraha Trump iyo mowqifka Greenland

Starmer, oo ay garab taagnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvette Cooper iyo Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 09:36AM