Australia: shir-madaxeedka dalalka G20 oo maanta furmaya

Image

November 15, 2014 (GO)- Shir muddo labo maalmood ah socon doona ayaa madaxda labaatanka dal ee dhaqaale ahaan dunida ugu awoodda badan (G20) maanta uga furmi doona magaalada Brisbane ee dalka Australia.

Arimaha ugu muhiimsan ee kulankan layskula soo qaadi doono waxaa kamid ah horumarinta dhaqaalaha dunida, hawada sii kululaaneysa, xakameynta cudurka Ebola iyo qalalaasaha ka taagan dalka Ukraine. Mas'uuliyiin heerkoodu sarreeyo oo Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin kamid yihiin ayaa shirka ka qayb gelaya.

Sida la saadaaliyey Madaxweyne Puntin wuxuu canaan xooggan kala kulmi doonaa madaxda reer galbeedka oo cadaadis ku saari doona in Dowladda Ruushku joojiso faragelinta siyaasadeed iyo midda militeri ee ay ku hayso dalka Ukraine.

G20 waxaa ku bahoobay Midowga Yurub iyo 19 dal oo kale oo qaarkood isla Midowga Yurub ku jiraan, kuwaasoo kala ah: Argentina, Australia, Brazil, Canada, China, France, Germany, India, Indonesia, Italy, Japan,  South Korea, Mexico, Russia, Saudi Arabia, South Africa, Turkey, United Kingdom iyo United States.

Saddex meelood labo meel oo kamid ah bulshada caalamku waxay ku nool yihiin dalalka ku jira Ururka G20, waxaa sidoo kale xusid mudan in 20kaas dal soo saaraan 85% dakhliga guud ee dhaqaalaha dunida islamarkaana gacanta ku hayaan 75% gacansiga caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Anas al-Shariif iyo shan wariyeyaal Al Jazeera ah oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil

Al-Shariif, oo 28 jir ahaa, ayaa muddo dheer ka soo waramayey waqooyiga…

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 10:17PM

Masar iyo Turkiga oo Cambaareeyay Qorshaha Israa’iil ee Qabsashada Magaalada Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa si la mid ah uga hadlay arrintan, isagoo yiri, “Waa in si daahfuran looga hadlaa.

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 05:40AM