Axmad Al-Sharaa Oo Noqday Madaxweynaha Ku-Meel-Gaarka Ah Ee Suuriya
Beirut (GO) – Axmad al-Sharaa, ayaa Arbacadii loo magacaabay madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee dalka, taasoo xoojineysa xukunkiisa wax ka yar laba bilood kaddib markii uu hoggaamiyay ololihii militari ee xukunka looga tuuray Bashaar al-Asad.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay taliska militariga ee hogaaminayay weerarka ka dhanka ahaa Asad, Sharaa ayaa sidoo kale loo igmaday inuu dhiso golaha sharci-dejinta ee ku-meel-gaarka ah, iyadoo dastuurkii Suuriya la hakiyay.
Go’aannadan oo ka soo baxay kulan ay yeesheen taliyeyaasha militariga ee ka qayb qaatay duullaankii lagu riday Asad, kaasoo uu horseeday ururka Islaamiga ah ee Hay’at Tahrir al-Sham (HTS) — oo horey u ahaan jiray garab ka tirsan Al-Qaacida.
Sharaa oo ka hadlayay shirka ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ay tahay buuxinta firaaqa dowladeed si sharci iyo xasillooni loo helo.
Wuxuu sidoo kale xusay in loo baahan yahay in la sugo nabadda bulshada, la hirgeliyo cadaaladda xiliga kala-guurka, la iska ilaaliyo aargoosiga, dib-u-habeyn lagu sameeyo hay’adaha dowladda— gaar ahaan ciidamada militariga iyo amniga— iyo in la horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka.
Sharaa ayaa ballan qaaday inuu hirgelin doono geeddi-socod siyaasadeed, oo ay ka mid yihiin shir-weyne qaran, dowlad loo dhan yahay, iyo doorashooyin la qabto— kuwaasoo uu sheegay inay qaadan karaan ilaa afar sano.
Bayaanka Arbacadii la soo saaray laguma caddeyn xilliga la magacaabi doono golaha sharci-dejinta cusub, mana bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan jadwalka kala-guurka.
Fawaz Gerges, oo ah borofisar ka tirsan London School of Economics, ayaa sheegay in bayaanku uu “si rasmi ah u xaqiijiyay in Sharaa yahay hoggaamiyaha ugu adag ee Suuriya”.
“Aragtidaydu waxay tahay in HTS iyo Sharaa ay damacsan yihiin in ay xoojiyaan hal xisbi oo Islaami ah oo ka arrimiya Suuriya,” ayuu yiri.
HTS ayaa ka farcantay Nusra Front, oo horey u ahayd garab ka tirsan Al-Qaacida oo ka dagaallamayay dagaalkii sokeeye ee Suuriya, ilaa ay xiriirka u jartay 2016.
Bayaanka ayaa shaaciyay in Sharaa uu si rasmi ah ula wareegay xilka madaxweynaha xilliga kala-guurka, uuna fulin doono waajibaadka madaxweynaha Suuriya, isla markaana uu dalka ku matali doono fagaarayaasha caalamiga ah.
Golaha sharci-dejinta cusub ayaa shaqeyn doona illaa laga ansixinayo dastuur cusub, iyadoo baarlamaankii Asad ee la doortay sanadkii hore si rasmi ah loo kala diray.
Sidoo kale bayaanka ayaa dib u xaqiijiyay tallaabooyinkii hore ee lagu kala diray xisbiga Baath ee Asad, hay’adihii sirdoonka, iyo in dhammaan kooxihii mucaaradka ahaa ee dagaalka kula jiray xukunkii hore lagu dari doono hay’adaha dowladda.
Go’aannadan ayaa lagu shaaciyay kulan loogu magac daray “Shirka Guusha Kacaanka Suuriya”, kaasoo ay kasoo qeyb galeen wasiirrada dowladdii ku-meel-gaarka ahayd ee ay magacaabeen HTS bishii Diseembar.
Qatar, oo taageeraysa maamul cusub, ayaa soo dhawaysay bayaan ay ku sheegtay “in dib-u-habeyn lagu samaynayo dowladnimada Suuriya iyo in la xoojiyo midnimada bulshada”.
Mohanad Hage Ali, oo ka tirsan Carnegie Middle East Center, ayaa sheegay in bayaanka uu si cad u muujinayo awoodda Sharaa iyo in uu hadda gacanta ku hayo qeybo badan oo ka mid ah Suuriya, oo ay ku jirto caasimadda Dimishiq.
“Si kastaba ha ahaatee, nidaamkaan ma matalayo kala-duwanaanshaha siyaasadeed, diimeed iyo qowmiyadeed ee Suuriya,” ayuu raaciyay.
Dhanka kale, rasaas dabaal-deg ah ayaa laga maqlay bartamaha Dimishiq daqiiqado un kaddib markii la shaaciyay go’aannada.
GAROWE ONLINE