Axmad Al-Sharaa oo loo magacaabay madaxweynaha Suuriya

Image

DIMISHIQ - Afhayeenka Ciidamada Hawlgalada Milatariga Suuriya, Xasan Cabdi Ghani, ayaa  shaaciyay magacaabista Ahmad al-Sharaa inuu noqdo madaxweynaha dalkaas muddada ku-meel-gaarka ah. Wuxuu qaadan doonaa waajibaadka madaxweynaha Jamhuuriyadda, wuxuuna matali doonaa dalkaasi kulamada caalamiga ah."

Ghani ayaa intaas ku daray, "Madaxweynaha waxaa la siiyay awood uu ku sameeyo guddi sharci-dejineed oo ku-meel-gaarka ah, kaasoo qaban doona waajibaadkiisa ilaa dastuur cusub la ansixinayo.

Ciidamada Suuriya ayaa sidoo kale shaaciyay go'aano dhowr ah, oo ay ka mid yihiin hakinta dastuurka dalka, kala dirista baarlamaanka dalka, iyo burburinta ciidamadii hore ee xukuumadda iyo xisbiga Bacath, oo ahaa midkii Bashaar Al-Asad.

Axmed Al-Sharaa wuxuu ahaa hoggaamiyaha kooxaha afgembiyay madaxweynihii hore ee Suuriya Bashar al-Assad sanadkii hore, kaasi oo ahaa hogaamiyihii dalka mudda dheer oo 24 sano ah, isagoo u cararay Ruushka.

Hawsha uu hadda qaban doono waa dib-u-dhiska dalka Suuriya oo burburay ka dib dagaal sokeeye oo ka socday muddo ka badan toban sano, kaasoo sababay dhimashada in ka badan 300,000 oo qof iyo barakacida malaayiin kale, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dagaalku wuxuu bilowday intii lagu guda jiray kacdoonkii Carabta ee 2011, markii xukuumaddii Bashaar Assad ay caburin ka sameysay kacdoonkii lagu doonayay dimoqraadiyadda, waxaana dagaalku si degdeg ah ugu rogmaday dagaal sokeeye, oo ku lug lahaayeen quwado goboleed iyo caalami ah sida Sacuudiga, Iiraan, Mareykanka, iyo Ruushka, iyadoo ISIS ay dalka ka maamushay qeybo kamid ah muddo kooban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM