Baarista kiiska Silvia Romano oo lasoo gabagabaynayo

Image

ROMA, Talyaaniga – Dambi-baareyaasha magaalada Milan ee waddanka Talyaaniga ayaa soo afjaraya baaritaan ay ku hayeen kiis ku aadan hanjabaadyo baraha bulshada loo mariyey Silvia Romano, sidda ay tabisay warbaahinta.

Wakaaladda wararka ANSA ayaa ku warantay in Waaxda la dagaalanka argagixisada Milan ay baaritaanka ku ogaatay in fariimaha lagu faafiyey baraha bulshadda ay ahaayeen afgalaado "balse aysan ahayn hanjabaadyo daran".

Sidda ku cad warbixinta, fariimahaas waxaa faafinayey ciwaano Facebook ah kuwaas oo aan si rasmi ah loo aqoon cidda gabaadka ka dhiganeysa isla markaana shirkadan laga leeyahay Mareykanka laga codsaday in ay aqoonsato akoonada.

Romano oo aan kiiska cabashada ah furin ayaa sheegtay in dadka fariimahaas u soo gudbinaya ay yihiin shaqsiyaad neceb oo kasoo horjeeda horumarkeeda.

Haweenayda ka shaqeysa arrimaha gargaarka ayaa November, 2019-kii waxaa waqooyi-bari Kenya ka qafaashay maleyshiyada Al-Shabaab kuwaas oo May, 2020-kii laga soo badbaadiyey isla markaana lagu celiyey dalkeeda hooyo.

Balse ku laabashadeeda Italy ayadda oo Islaamtay waxay ka careysiisay qolyaha midigta fog ee Talyaaniga kuwaas oo bilaabay in ay agagaarka hoygeeda iyo baraha bulshadda ugu mariyaan fariimo handadaad iyo cabsi gelin khuseeya.

Alberto Nobili, madaxa xafiiska la dagaalanka argagixisada Milan, ayaa markii ay isa soo tareen hanjabaadaha bilaabay baaritaan natiijada kasoo baxdey ay si horudhac ah u muujinayaan in fariimaha aysan halis ku ahayn nafta Romano.

"Galka wuxuu kusoo dhamaanayaa ayadda uu jiro geedi-u-socod baaritaan oo ku aadan ceebeyn. Waxaana natiijada loo gudbin doonaa maxkamad," ayaa lagu soo gabagabeeyay warbixinta lagu daabacay Wakaaladda wararka Italy ee ANSA.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo markii ugu horreysay muddo bilo ah weerartay Sacuudiga

Sacuudi Carabiya ayaa digniin amni ka soo saartay khatar ka jirta Al-Kharj, oo qiyaastii 85 kiiloomitir koonfur-bari kaga beegan Riyadh.

  • Caalamka

    18-07-2026

  • 01:46PM

Erdogan oo Baarlamaanka Turkiga u gudbiyay dalab la xiriira amniga Soomaaliya

Mooshinka ayaa tilmaamay in inkasta oo ciidamada ammaanka Soomaaliya ay haystaan shaqaale iyo qalab ku filan.

  • Caalamka

    18-07-2026

  • 01:31PM