Baarlamaanka Mareykanka oo cambaareeyay talaabadda Trump

Image

WASHINGTON, US – Xeer-dejinta waddanka Mareykanka ayaa si adag waxay u cambaareysay go’aanka uu madaxweyne Donald Trump ciidamada dalkaas uga soo saarey Suuriya.

Fadhi ay yeesheen ayaa waxay ku qaadaceen talaabadan Trump, iyaga oo ku sifeeyay "qalad weyn".

Mudaneyaasha ayaa ku doodey in talaabadaas ay meel ka dhac ku tahay danaha Mareykanka ee Bariga Dhexe gaar ahaan Suuriya oo ay isku hayaan wadamo uu loolan ka dhaxeeyo.

Trump ayaa ciidamada Mareykanka kasoo saarey waqoyga Suuriya, taas oo Turkiga fursad u siisay in uu howlgal ku qaado uuna magaalooyin waaweyn ka qabsado falaagada.

PKK iyo YPG ayaa lumiyey dhul badan iyadda oo howlgalku socdo muddo ku suntay todobaad.

Ankara ayaa shaacisay in ay dishay ku dhowaad 600 dagaalameyaal ah, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil. Intaas waxaa wehlisa in ay nolosha ku qabatay boqolaal iyo qaar isa soo dhiibay.

Howlgalka Turkiga ayaa cambaareyn caalami ah la kulmay, waxaana loogu baaqay in uu joojiyo. Hase ahaatee, madaxweyne Recep Tayib Erdogan wuxuu ku adkeystay in ay sii wadayaan.

Talaabada baarlamaanka Mareykanka ayaa dharbaaxo ku noqoneysa maamulka Trump oo cunaqabateyn saarey Turkiga kuna fekeraya in uu kordhiyo kahor inta aysan wada hadal furin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM