Baarlamaanka Sri Lanka oo shir deg deg ah yeelanaya kadib qaraxyo

Image

COLOMBO, Sri Lanka – Golaha Xeer-dejinta ee dalka Sri Lanka ayaa kulan deg deg ah la isugu yeeray kadib weeraro khasaaro xoogan dhaliyay oo gil-gilay wadankaasi.

Qaraxyadda oo gaaraya illaa iyo sideed ayaa lagu beegsaday dhismayaal ka kooban huteelo raaxo iyo Kaniisado.

Ku dhowaad 200 qof ayaa lagu waramayaa in lagu dilay dhacdooyinkaasi. Wallow la xaqiijiyay geerida 185 ruux oo ay ku jiraan Ajaaniib.

Afhayeenka baarlamaanka Sri Lanka, Karu Jayasuriya, ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah in kulanka uu qabsoomayo 23-ka bishaan.

Shirkaas ayaa lagu lafaguri doonaa xaaladda deg deg ee wadankaasi uu galay, iyadda oo lagu dhawaaqay maalmo baroor-diiq ah.

Dhanka kale, booliska ayaa soo rogay bandow socon doona 12-saacood kaasi oo ujeedkiisu yahay in xaaladda lagu dejiyo.

Weerarkaan ayaa la sheegay in uu noqonayo mid kamida kuwii ugu dhismashada badnaa ee taariikhda casriga ka dhacay Sri Lanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM

Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay cadaadiska canshuuraha Trump iyo mowqifka Greenland

Starmer, oo ay garab taagnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvette Cooper iyo Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 09:36AM