​Bambaanooyin Sun ah oo lagu tuuray Xalab

Image

Wararka ka imaanaya magaalada Xalab ee dalka Suuriya ayaa sheegaya inay liidato xaaladda caafimaad qaar kamid ah dad ay soo gaartay waxyeello uga timid bambaanooyin Sun ah oo lagu tuuray goobo ay ku suganyihiin fallaagada dagaalka kula jirta xukuumadda Baashar Al Asad.

Shaqaalaha gurmadka deg degga ah ee ku sugan qaybta ay fallaagadu gacanta ku hayso ee magaalada Xalab ee dalka Suuriya, ayaa sheegay in diyaarado qummaati u kaca oo dowladdu leedahay ay ku duqeeyeen magaalada haamo ay ku jirto neefta sunta ah ee chlorine.

Qof ku sugan bariga magaalada Xalab ayaa BBC-da u sheegay in hal qof ku dhintay boqol iyo labaatan kalena ay ku waxyeelloobeen. Dowladdu waxay dib u cusboonaysiisay go'doomintii buuxday ee ay ku haystay Xalab, Qaramada Midoobayna waxay sheegtay in Suuriya uu haatan ka taaganyahay dagaal ba'an oo soo laba kacleeyay.

Bishii hore ayay ahayd markii dhowr carruur ah u geeriyoodeen waxyeello kasoo gaartay bambaanooyin loo malaynayo inay ahaayeen Sun oo lagusoo tuuray kooxaha mucaaradka ee ku sugan magaalada Xalab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM