Bariga Quddus: Weerar lagu qaadey Bus ay Israa'iiliyiin la socdeen

Image

Bariga Quddus, Sebtembar 8, 2025 – Shan qof ayaa ku geeriyooday weerar rasaas ah oo ka dhacay Bariga Quddus ee la haysto, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Israa’iil, halka ciidamada Israa’iil ay sii wadaan weerarada culus ee ay ku qaadayaan Gaaza oo ku jira ciriiri iyo duullaanno.

Hay’adda Magen David Adom ayaa sheegtay in dhowr qof oo kale ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen jajabka muraayadaha, isla markaana lagu daweeyay goobta.

Booliiska Israa’iil ayaa weerarka ku tilmaamay “weerar argagixiso oo la tuhunsan yahay”.

Booliiska ayaa sheegay in laba ka mid ah dadka weerarka geystay ay ciidamada ammaanka ku dileen goobta isla markiiba kadib markii rasaastu bilowday, hase yeeshee ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah markii warbaahinta Associated Press ay codsatay macluumaad ku saabsan xaaladda dadka weerarka geystay.

Sarkaal amni iyo qof rayid ah ayaa ku dilay dadka weerarka geystay, sida ay sheegeen booliiska Israa’iil.

Booliisku waxay sheegeen in dadka weerarka geystay ay ku yimaadeen gaari, kadibna ay rasaas ku fureen saldhig bas.

Ciidamada Israa’iil ayaa xirtay dhammaan jidadka iyo meelo laga soo galo Bariga Quddus iyo Daanta Galbeed, kadib weerarkaasi oo ka dhacay Bariga Quddus, sida ay ilo u sheegayaan warbaahinta Al Jazeera.

Sidoo kale, booliiska ayaa sheegay in dadka weerarka geystay ay ka yimaadeen Daanta Galbeed ee la haysto, halka Raadiyaha Ciidamada Israa’iil uu warbixin sheegay in ciidamada Israa’iil ay ku wareejiyeen ciidamada askar iyo baaritaano afar tuulo oo Falastiiniyiin ah oo ku yaalla gobolka Quddus – tuulada Qatana, Biddu, Beit Inan, iyo Beit Duqu – islamarkaana ay halkaas ku sameynayaan howlgallo.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inay xoojiyeen joogitaankooda guud ahaan deegaanka Quddus, iyagoo baadi-goob ballaaran ka wado dadka ay ku tilmaameen “shuraakada” weeraryahannada rasaasta furey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo ka raali-geliyay Qatar weerarkii Doha

Ugu yaraan shan xubnood oo heer hoose ah oo ka tirsan Hamas iyo sarkaal amni oo Qatari ah.

  • Caalamka

    30-09-2025

  • 11:10AM

Sidee Caalamka u arkay Qorshaha Trump iyo Netanyahu ee Nabada Gaza?

Trump ayaa sheegay in qorshahani ujeeddadiisu tahay in Xamaas laga saaro Gaza isla markaana lagu beddelo dowlad kumeelgaar ah.

  • Caalamka

    30-09-2025

  • 05:54AM