​Baroordiiq loo samaynayo kooxda shilka ku baaba'day

Image

Dadka reer Brazil ayaa maanta dhigaya tacsi xooggan oo ay ugu baroor diiqayaan kooxdooda ku baaba'day shilkii diyaaradeed ee shalay ka dhacday dalka Colombia.

Tobannaan kun oo qof ayaa waxay isugu tageen magaalada Chapeco ee koofurta Brazil.

Dadkan ayaa isugu tagi doona karoonka kooxda diyaaradda la burburtay.

Naadiga Chapecoense ayaa inta badan ciyaartoydeeda ku dhinteen shilka.

Taageerayaasha kooxda ayaa u lugeyn doona  garoonka si ay ugu duceeyaan kooxda baaba'day.

Cayaaryahannada dhintay, waxay u socdeen inay sii ciyaaraan kullankoodii ugu weynaa abid oo ah cayaarta kama dambaysta horyaalka Copa Shouth America.

Xiriirrada kubadda cagta caalamka iyo ciyaaryahanada caanka ah, ayaa ka tacsiyeynaya kooxdaasi musiibada ku dhacday.

Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, iyo ciyaaryahanada caanka ah intooda badan sida, Pele, waxa ay sheegeen in ciyaarayaha kubadda cagta ay tacsi weyn u taallo.

Waxaa sidoo kale arrintaas tacsi ka diray xidigaha reer Barcelona Lionel Messi iyo Neymar.

Dhacdadan ayaa aad loog dareemay qaaradda America, waxaana loo hakiyay koobkii ay ka qayb galayeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM