Beji Essebsi oo hogaaminaya doorashada madaxtinimada Tunisa

Image

November 24, 2014 (GO)- Natiijada hordhaca ah ee kasoo baxdey doorashadii madaxtinimada ee shalay ka dhacday dalka Tunisia ayaa muujineysa in uu hogaaminayo murashaxa xisbiga (Tunisian Call) Beji Caid Essebsi.

Doorashada oo sida muuqata yeelan doonta wareeg labaad oo la qaban doono 28-da bisha soo socota ee December waxaa ku tartami doona labada murashax ee helay tirada codadka ugu badan kuwaasoo kala ah Beji Caid Essebsi iyo Moncef Marzouki.

Dalka Tunisa wuxuu laga soo bilaabo markii uu xornimada qaatay soo yeeshay labo madaxweyne oo kala ahaa: asaasihii Tunisia-yada cusub Habib Bourguiba iyo Zine  El Abidine Ben Ali oo isagu sanadkii 1987 af-gembi aan dhiig ku daadan xukunka kula wareegey.

Sanadkii 2011 ayaa kacdoon dadweyne oo ka bilowday Tunisa kuna baahay dhammaan dalalka Carabta oo loogu magac adaray (Gugii Carabta) waxaa xukunka looga tuuray Zine El Abidine Ben Ali.

Doorashadan ayaa noqoneysa tii ugu horeysey ee xor ah ee dalka Tunisia ka dhacda laga soo bilaabo markii uu madax banaanidiisa ka qaatay dalka France 1956.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Netanyahu uga digay joogitaanka ciidamada Israel ee Suuriya iyo Lubnaan

Warbixinta ayaa sheegtay in intii lagu jiray wada hadal telefoon oo dhex maray labada hoggaamiye Khamiistii la soo dhaafay.

  • Caalamka

    14-07-2026

  • 06:52PM

Mareykanka oo Duqeeyey 140 Bartilmaameed oo ku Yaalla Iran

Dhanka kale, Iiraan ayaa la sheegay inay jawaab ahaan weerarro ku qaaday Baxrayn, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    13-07-2026

  • 09:44AM