Biden iyo Xi oo yeeshay wadahadalo dhanka telefoonka
WASHINGTON, USA - Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa ka hadlay arrinta ku saabsan xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee Xinjiang intii lagu jiray wadahadal telefoon oo uu la yeesho dhiggiisa Shiinaha, Xi Jinping, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay Aqalka Cad.
Mr Biden wuxuu sidoo kale ku cadaadiyay Mr Xi arrimaha ganacsiga, joojinta xayiraadaha Hong Kong iyo xiisadaha socda ee ka taagan Taiwan.
Sida laga soo xigtay telefishanka qaranka Shiinaha, Mr Xi wuxuu kaga digay Mr Biden in cilaaqaadka xun uu masiibo u noqdo labada dalba.
Xiisadaha ayaa cirka isku shareeray muddooyinkii ugu dambeeyay gaar ahaan ganacsiga, basaasnimada iyo aafada Covid19.
Xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka ayaa muhiim u ah labada dhinac iyo adduunka oo dhan, iyadoo Beijing ay marar badan ugu baaqday maamulka cusub ee Washington inuu hagaajiyo xiriirka ka xumaaday xilligii Donald Trump.
Baaqa ayaa yimid wax yar uun ka hor Sannadka Cusub ee Lunar, taas oo loo arko tilmaam niyad sami ah.
Wadahadalka telefoonka ka dib, Mr Biden wuxuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: "Waxaan u sheegay in aan la shaqeyn doono Shiinaha marka ay wax u tarto dadka Mareykanka."
Bayaanka Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu "hoosta ka xariiqay walaacyadiisa aasaasiga ah ee ku saabsan dhaqamada aan cadaalada ahayn ee Beijing, rabshadaha ka socda Hong Kong, xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee Xinjiang, iyo ficilada sii kordhaya ee go'doominta gobolka oo ay ku jiro Taiwan".
Shiinaha waxay ku eedeeyeen kooxaha xuquuqda in ka badan hal milyan oo Muslimiinta laga tirada badan yahay Uighurs ah uu ku xirag wax uu ugu yeeray "xeryaha waxbarashada" ee gobolka Xinjiang.
Waxaa jira cadeymo muujinaya in Uighurs - oo ah tiro yar oo Muslimiin ah - loo adeegsado shaqo qasab ah iyo in dumarka si qasab ah looga masaafuriyo.
Shiinaha ayaa beeniyay wararkaas.
Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale is-dhaafsaday aragtiyo ku aaddan ka-hortagga aafada Covid-19, iyo sidoo kale caqabadaha wadaagga ee amniga caafimaadka adduunka, isbedelka cimilada iyo ka hortagga hubka sii fida.
Telefishanka ku hadla afka dowladda Shiinaha ee CCTV ayaa wuxuu baahiyey in Biden iyo Xi "ay si qoto dheer isu dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan xiriirka laba geesoodka ah iyo arrimaha waaweyn ee caalamiga iyo kuwa gobolka".
GAROWE ONLINE