Biden oo qaadey xayiraadii socdaalka Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha cusub ee waddanka Mareykanka, Joe Biden, ayaa wuxuu qalinka ku duugay 15 amar-fulineed kuwaas oo ay ku jirto in dalalka ay Soomaaliya kamid tahay laga qaado xayiraadda socdaalka.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayuu faray in ay bilowdo ajiibitaanka dalabyadda fiisaha ama dal-ku-galka ee wadamadaas.

Wadamaddan dadka ku nool ay badankooda Muslimiin yihiin ayaa kala ah; Syria, Iiraan, Ciraaq, Suudaan, Liibya, Somaaliya iyo Yemen.

Maamulkii Donald Trump ayaa bishii Janaayo ee sanadkii 2017—kii soo rogay xayiradaas oo ahayd talaabooyinkii ugu horeeyay ee uu qaadey isla markii uu xafiiska kala wareegay dimuqraadi Barrack Obama.

Dad badan ayaa talaabadaas ku sifeeyay beegsi uu Trump ku sameynayo wadamada Muslimiinta, isaga oo cuskanaya cabsi amni.

Soo afjarida talaaban dad badan ka curyaamisay safaro ay ku tagi lahaa Mareykanka ayaa kamid ahayd balan-qaayadii uu Biden sameeyay intii uu ku guda jira ololaha doorashadda madaxtinimada Mareykanka.

Dhanka kale, Biden ayaa laalay isku-daygii Trump ku doonayey in dadka aan Ameerikaanka ahayn aan lagu darin tirokoobka. Tani waxay saameysay metelaada baarlamaanka iyo qoondeynta lacagta dowlada dhexe bixiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM

Maraykanka iyo Iran oo billaabay wada-hadallo qarsoodi ah

Wada-hadallada ayaa ku soo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadyo waaweyn oo ay ka mid yihiin barnaamijka nukliyeerka Iran.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 05:16PM