Biden oo shuruud ku xiray in uu xayiraada ka qaado Iran

Image

WASHINGTON, USA – Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in Mareykanku cunaqabateynta ka qaadi doonin Iran ka hor inta aysan Tehran dib ugu laaban balanqaadkeedda heshiiskii Nukliyeerka ee 2015, oo ah cqabadaha ugu weyn ee xudunta u ah is mari waaga u dhexeeya labada qaran.

Biden ayaa la weydiiyay intii lagu guda jiray wareysiga CBS News haddii Washington ay ka qaadi doonto cunaqabateynta si ay Tehran ugu soo celiso heshiiska oo xeerinaya dowladda Iran ay ogolaatay in ay yareyso barnaamijkeeda nukliyeerka iyaddoo ku bedelaneysa cunaqabateynta.

"Maya," ayuu Biden ku jawaabay, sida ku cad goos-gooska wareysiga oo la soo dhigay baraha internet-ka Axaddii todobaadkan.

Intii lagu guda jiray ololihiisii madaxweynenimo, Biden wuxuu carabka ku dhuftay inuu rajaynayo inuu ku laabto heshiiskii Nukliyeerka ee Iran iyo inuu xiriirka Tehran soo celiyo oo maamulkii Donald Turmp jaray.

Balse, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, maamulkiisu wuxuu qaaday tallaabo adag, isagoo sheegay in gorgortamayaasha Mareykanku aysan la macaamili doonin dhiggooda Iiraan illaa ay Tehran ku soo laabato fulinta buuxda.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa go’aan hal dhinac ah uga baxay heshiiska 2018 taas oo qeyb ka ahayd istiraatiijiyaddii uu cadaadiska ugu badan ku saarey Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

Horaantii Axada, Hogaamiyaha Sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa tibaaxay in Washington ay tahay in marka hore "kusoo noqotaa balanqaadyadeedii heshiiska," oo si rasmi ah loogu yaqaan Qorshaha Wadajirka ah ee Waxqabadka (JCPOA), ka hor inta Tehran aysan sidoo kale sameynin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM