Bilyineer sheegtay mulkiyada "Qasriga Putin"

Image

MOSCOW, Russia – Bilyineer saliida ka tanaadey una dhashay Russia, Arkady Rotenberg, ayaa shaaciyey in uu mulkiilaha daar ku taala Badda taasoo soo afjareysa sheegashooyinka ka yimid mucaaradka hogaamiyaha Ruushka oo ah in uu leeyahay madaxweyne Vladimir Putin.

Baaritaan lagu sameeyya Aqalkan sidda heer sarre ah u dhisay loona yaqaano "Qasriga Putin" ayaa aad u caan-baxay waxaana ka daawaday in ka badan 100 milyan jeer.

Mr Rotenberg oo ah bilyineer gacansaar la leh Mr Putin, ayaa maanta si furan wuxuu u shaaciyey in uu isagu leeyahay hoygaas.

Ganacsahada ayaa qiraalka wuxuu ku sameeyay wareysi lasoo dhigay channel-ka Mash Telegram ee lagu taageero Kremlin, oo ah aqalka looga arimiyo Ruushka.
"Waxaan ku guuleystay in aan sanado kahor la yeesho ciddii iska lahayd waxaana noqdey mid ka macaashay goobtan sanado kahor," ayuu Mr Rotenberg yiri, sidda uu kasoo xigtay xafiiskiisa warfaafinta.

Mr Rotenberg ayaa tibaaxay in dhismaha ay wali shaqo ku socoyo lana soo gabagabeyn doono sanadaha soo aadan, isaga oo intaas ku daray in uu rajeynayo in uu noqdo huteel loo tamashlo tago.

Hadalheynta la xiriirta dhismahan ayaa ku faaftey gudaha Ruushka kadib dukumiintiri uu bishaan Janaayo baahiyey Alexei Navalny, oo ah hogaamiyaha mucaaradka ka dhanka ah aqalka Kremlin.

Baaritaanka ayaa lagu sheegay in dhismahaas qiimaheedu yahay $1.37 bilyan doolar-ka Mareykanka isla markaana "lacagtaas lagu bixiyey musuqmaasuqii ugu baaxadda weynaa taariikhda casriga ah".

Mr Rotenberg wuxuu caan ka yahay Ruushka, waana mulkiilaha qaar kamid ah shirkadaha dhismaha ee kaabayaasha dhaqaalaha sidda buundooyinka iyo dhuumaha gaaska. Wuxuu aad ugu dhow-yahay Mr Putin oo ah asxaabtiisii hore ee caruurnimadiisii iyo ciyaarta lak-danta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM