Boko Haram oo shaacisey inay ku biirtey Daacish

Image

March 8, 2015 (GO)- Kooxda Boko Haram ayaa shaacisey inay si rasmi ah ugu biirtey ururka Daacish ee fadhigiisu yahay dalka Ciraaq.

Hooggaamiyaha Boko Haram Abubakar Shekau ayaa farriin cod ah oo internetka lagu baahiyey ku sheegay in ay bayco (heshiis) la galeen Daacish hadda kadibna  si toos ah u hoos tegayaan.

Lama oga in Daacsih aqbali doonto isbahaysiga Boko Haram iyo in kale, waxaana xusid mudan in ururka Al-qaacida horay u diidey inuu heshiis la galo Boko Haram.

Kooxda Daacish waxaa bilihii u dambeeyey ku biirey ururro dhowr ah oo fadhigoodu yahay dalalka Afghanistan, Pakistan, Tunis, Egypt,  Libya iyo Algeria.

Boko Haram oo ah urur xagjir ah waxaa la asaasay sanadkii 2002. Magaca Boko Haram wxuuu marka luqada Hausa loo bedelo noqonayaa "tacliinta reer galbeedku waa xaaraan".

Weerarrada Boko Haram, laga soo bilaabo sanadkii 2009 waxaa ku geeriyoodey ku dhowaad 10,000 oo qof oo rayid u badan, waxaana ku barakacay dad ay tiradoodu kor u dhaafeyso hal milyan oo qof.

Ururka Al-shabaab ee fadhigiisu yahay Soomaaliya ayaa si weyn loo hadal hayaa inuu ku biiro kooxda Daacsih, waxaana jira khilaaf salka ku haya arrintaas oo soo kala dhex galay hoggaanka sare ee Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxda dalalka Khaliijka oo Shir Degdeg ah ku yeeshay Saudi Arabia 

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SPA, shirkan waxaa xoogga lagu saaray iskudubaridka dadaallada looga jawaabayo xaaladaha cakiran.

  • Caalamka

    28-04-2026

  • 06:44PM

Maxay ka dhigan tahay ka bixitaanka United Arab Emirates ee OPEC?

Ururkan waxaa la aasaasay sanadkii 1960 magaalada Baghdad ee caasimadda dalka Iraq…

  • Caalamka

    28-04-2026

  • 04:37PM