Boko Haram oo dad ku dishey gudaha dalka Chad

Image

February 14, 2015 (GO)- Dagaalyahano ka tirsan kooxda xagjirka ah ee Boko Haram oo fadhigeedu yahay dalka Nigeria ayaa goor hore oo saaka ah weeraray tuulooyin ku teedsan daafaha harada Chad.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee Boko Haram ka fuliso gudaha dalka Chad laga soo bilaabo markii dowlada Chad boqollaal ciidankeeda ah usoo dirtey Nigeria, si ay qayb uga noqdaan dagaalka kooxdaas ka dhanka ah.

Qof ka gaabsadey in magaciisa la baahiyo ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in weerarka ugu yaraan 10 qof oo dhammaantood rayid ahaa lagu diley islamarkaana lagu gubey tobanaan guri oo ku yaaley tuulada Ngouboua.

Shir-madaxeedkii dalalka Midowga Afrika ee labo todobaad kahor kusoo gaba gaboobey magaalada Addis Ababa, waxaa lagu go'aamiyey in ciidamo gaaraya 7,500 oo askari loo diro dalka Nigeria, si ay dowlada dalkaas gacan uga siiyaan dagaalka ay kula jirto kooxda Boko Haram.

Weerarada Boko Haram, waxaa laga soo bilaabo sanadkii 2009 ku geeriyoodey ku dhowaad 10,000 oo qof oo rayid u badan, waxaana ku barakacay dad ay tiradoodu kor u dhaafeyso hal milyan oo qof.

GAROWE ONLINE + AFP

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM