Booliska Berlin oo baaraya weerar lagu dilay 12 ruux

Image

BERLIN- Booliska magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ayaa sheegay inay baarayaan aqoonsiga qof baabuur kuwa xamuulka qaada ah oo xalay la jiirsiiyey dad ku sugnaa suuq ku yaala magaaladaasi.

Weerarkaas, waxaa ku dhintay 12 ruux, 50 kalena waa ay ku dhaawacmeen sida ay xaqiijiyeen laamaha booliiska magaaladaas.

Majirto ilaa hadda koox sheegatay weerarkaas, balse laamaha ammaanka ee magaaladaasi ayaa tallaabadan ku tilmaamay fal argagixiso.

Mid kamid ah laba ruux oo waday baabuurka dadka lagu jiiray ayaa la xiray, halka kan kalena laga dhex helay gaariga dhexdiisa isaga oo meyd ah.

Arrintan ayaa dadka reer Berlin xasuusiyay falkii lagu dilay 86 ruux magaalada Nice ee Faransiiska, markaasoo ay u dabaal dagayeen  maalintii xornimada "Bastille Day" 14 July.

Weerar ka dhacay magaalada Zurich ee dalka Switzerland

Wararka ka imaanaya dalka Switzerland, ayaa sheegaya in saddex ruux oo Somali ah dhaawacmeen kadib markii nin hubaysan uu weerar ku qaaday goob dad muslimiin ku cibaadaysanayeen.

"Toogashadu waxay ka dhacday qol lagu tukado oo ay ku sugnaayeen dhowr qof, waxaana dhaawac halis ah qaba labo kamid ah shakhsiyaadkii goobtaasi ku sugnaa," Ayuu Marco Bisa oo ah Afhayeen u hadlay Booliiska magaaladaasi.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu sheegay inay geeyeen dhaawacyada Cusbital ku yaalla magaalada islamarkaana ay wadaan baaritaano lagu ogaanayo weerarkan iyo cidda ka dambaysay.

Maaha markii ugu horaysay oo weerar caynkan ah uu ka dhaco magaalada Zurich oo ay ku nool yihiin Somali badan kuwaasoo qaxooti ku ah dalak Switzerland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM

Ciidamo Mareykan ah oo Gaaray Waqooyiga Nigeria

Toddobaadkii dhammaadkiisii hore, rag hubeysan oo watay mootooyin ayaa weera…

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 07:44AM