Booliska London oo xiray aas-aasaha shabakadda WikiLeaks

Image

Booliska magaalada London ayaa sheegay inay aas-aasaha shabakadda WikiLeaks Julian Assange ku xireen safaaradda Ecuador ee magaaladaas.

Booliska ayaa sheegay in lagu xiray amar maxkamadeed oo lasoo saaray sanaddii 2012-kii.

Bayaan ay soo saareen ayay booliska ku sheegeen in Assange oo la kaxeeyey xarunta booliska magaalada London, halkaasi oo uu joogi doono ka hor inta aan la horkeenin maxkamadda Westminster Magistrates, sida ugu dhaqsiyaha badan.

Assange ayaa ku dhex noolaa oo aan kasoo bixin safaaradda tan iyo bishii August ee 2012, isaga oo ka cabsanaya in haddii uu kasoo baxo dhulka diblomaasiyeed ee Ecuador in la xiri doono loona masafaurin doono dalka Mareykanka.

Assange ayaa Mareykanka looga haystaa inuu daabacay kumanaan dokumenti oo ah sirta milatari iyo diblomaasiyeed ee Mareykanka.

Xarigiisa ayaa ka dambeeyey kadib markii dowladda Ecuador ay kala laabtay magan-galyadii ay siineysay.

Madaxweyne Ecuador, Lenin Moreno ayaa sheegay in Britain ay u damaanad qaaday in Assange aan loo masaafurin doonin dalalka fuliya xukunada dilka ah.

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM