Booliska Nairobi oo qabtay walxo qaraxyada loo adeegsado

Image

December 15, 2014 (GO)- Booliska ayaa goor hore oo saaka ahayd muddo kooban xiray mid kamid ah jidadka muhiimka ah ee magaalada Nairobi, kadib markii lagu arkay walxo qaraxyada loo adeegsado.

Jidka boolisku xireen oo lagu magacaabo Juja wuxuu dhex maraa xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee Eastleigh.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay inay baaritaan ku wadaan walxaha ay saaka heleen iyo weliba ciddii halkaas dhigtay.

Ammaanka dalka Kenya ayaa soo xumaanayey laga soo bilaabo bishii October sannadkii 2011, markaas oo cutubyo ka tirsan militeriga Kenya usoo tallaabeen dhinaca Soomaaliya. 

Kenya ayaa soo gelitaanka ciidankeeda ee Soomaaliya ku sababeysey inay tahay si ay ula dagaallamaan Al-shabaab, oo sida Kenya sheegtay khatar geliyey dhaqaalaheeda iyo weliba ammaanka muwaadiniinteeda. 

Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarro khasaare badan dhaliyey oo ka dhacay gudaha Kenya, sidoo kale Al-shabaab ayaa ku goodidey inay sii wadi doonto weerarada tan iyo inta Kenya ciidamadeeda dib ugala soo baxayso Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Netanyahu uga digay joogitaanka ciidamada Israel ee Suuriya iyo Lubnaan

Warbixinta ayaa sheegtay in intii lagu jiray wada hadal telefoon oo dhex maray labada hoggaamiye Khamiistii la soo dhaafay.

  • Caalamka

    14-07-2026

  • 06:52PM

Mareykanka oo Duqeeyey 140 Bartilmaameed oo ku Yaalla Iran

Dhanka kale, Iiraan ayaa la sheegay inay jawaab ahaan weerarro ku qaaday Baxrayn, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    13-07-2026

  • 09:44AM