Boqolaal ku dhintey dhul-gariir ku dhuftey Turkiga iyo Suuriya

Image
Ilaa 2,470 qof ayaa laga soo badbaadiyay burburka hoostooda, sidda ay sheegeen samatabixiyeyaasha.

ANKARA, Turkey - Dhulgariir cabirkiisu yahay 7.8 ayaa ku dhuftay Koonfur Bari Turkiga iyo Waqooyi Galbeed ee Suuriya Isniinta maanta ah, waxaana ku dhintay ugu yaraan 1,797 qof, kumanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Ugu yaraan 1,014 qof ayaa kaliya ku dhintay dhul-ruxanka Turkiga in ka badan 5,385 qofna waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha iyo kooxaha samatabixiyeyaasha.

Gudaha Suuriya, in ka badan 783 qof ayaa ku dhintay in ka badan 2,000 oo kalena way ku dhaawacmeen, sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka ee dawladda Suuriya iyo kooxda samatabbixinta ee Difaaca Madaniga ah ee Suuriya (White Helmets).

Sida laga soo xigtay warbixinta laga helay mas'uuliyiinta, dhul-gariirka ka dhacay gudaha Suuriya ayaa ku dhuftay gobollada Idlib, Aleppo, Latakia, Tartus iyo Xaama.

Dhanka kale, dhulgariir cusub oo cabirkiisu yahay 7.5 magnitude 1:24pm wakhtiga maxaliga ah ayaa ku dhuftay dalka Turkiga, sida ay sheegtay hay’adda sahanka dhulka ee Maraykanka.

In ka badan 2,818 dhismo ayaa ku dumay dhul-gariirka Turkiga, iyadoo khasaaraha ugu badan uu ka dhacay koonfurta gobolka Hatay oo ay ku jirto magaalada Gaziantep. Ilaa 2,470 qof ayaa laga soo badbaadiyay burburka hoostooda.

Dhowr waddan ayaa soo diray deeqo gargaar ah, oo ay ku jiraan Netherlands, Romania, Azerbaijan, UK, Russia, Italy, Greece, Israel, France, Germany iyo Ukraine, halka kuwa kale ay midnimo u muujiyeen labaddan waddan dariska ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo sheegtay in taageerada milatari ee Sacuudiga aysan ku jirin weerar ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen

Al-Sisi ayaa sheegay in Masar ay difaaci doonto dhulka Sacuudiga, balse aysan ka qeyb qaadan doonin weerarro ka dhan ah Yemen.

  • Caalamka

    22-10-2026

  • 11:02AM

Ilhan Omar oo sheegtay inay ka guureyso gurigeeda Washington kadib baaritaanka FBI-da

Sida ay sheegtay, baaritaanku wuxuu socday afar ilaa shan saacadood, waxaana lala baxay 17 shay oo ay ku jiraan taleefanno.

  • Caalamka

    22-10-2026

  • 07:51AM