Boqollaal qof oo ku dhimatay duufaanta ku dhufatay Haiti

Image

Waxaa soo baxaya muuqaalo musiibo ay ka muuqdaan, Kaddib laba maalmood markii gacanka Koofur Galbeed ee Haiti ay ku dhufatay duufaanta Hurricane.

Dowladda Haiti waxa ay sheegeysaa in tirade dhimashada hadda ay ku dhowdahay 300 oo qof. Hay'adaha gargaarka waxa ay sheegayaan in gacanka magaalada ugu weyn ee Jeremie, ay intabadan burburtay

Boqolkiiba 80 dhismayaasha ayaa burburay oo biyuhu qaadeen.

Dhanka Koofurta ee gobolka Sud, qiyaastii 30 kun oo guryo ayey dabeysha burburisay. Saraakiisha dalkaasi waxay sheegayaan in duufaanta ay dhaawac iyo dhibaato xun u geysatay Haiti. 

Daadadka waxay qaadeen buundooyiin, geedaha waaweyn ee buuraha dushooda ku yaallay, iyo guraha iyo beeraha.

Dhanka kale, Duufaanta hurricane waxay hadda u jiheysatay dhanka Bahamas iyo dhanka koofurta Bari ee Mareykanka.

Malaayiin qof oo ku nool afar gobo loo Mareykanka ah ayaa ka baxaya guryahooda kaddib digniino la soo saaray. Dadkan oo ka qaxaya dhanka xeebaha, waxay mashquul ka dhigeen jidadka waaweyn. Madaxweyne Obama waxa uu xaalad degdegga ah kaga dhawaaqay gobollada Florida iyo South Carolina. Waxaa sidoo kale la joojiyay shaqada dekadda North Carolina. Xarunta qaran ee Hurricane ee mareykanka waxa ay sheegeysaa in daadadka ay gaari karaan shan mitir biyo joogoodu dhan yahay oo hirar waaweyn sita.

BBC

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM