Boqorka Sacuudiga oo cafis u fidiyey maxaabiista u dhashay Masar

Image

RIYADH - Boqor Salman Bin Cabdicasiis, ayaa amar ku bixiyey in cafis lagu sii daayo tirro aan la shaacin oo kamid ah maxaabiista reer Masar ee ku jiray xabsiyada Sacuudiga.

Sida laga soo xigtay wakaalada wararka u faafisa Sacuudiga, inta badan maxaabiista la cafiyay ayaa loo haystay kiisas la xiriira in ay u hogaan-sami waayeen shuruucda deganaanshiyaha.

Wakaalada ayaa ku warameysa in Cabdifitaax Al Sisi, Madaxwayne Masar, uu boqor Salmaan uga mahad-celiyey go’aanka cafiska maxaabista, taasi oo muujinaysa xiriirka walaaltinimo ee labada dal.

Dowladaha Sacuudiga iyo Masar ayaa kamid ah dalal carbeed oo xiriirka u jaray Qadar June, 2017, islamarkaana kusoo rogay xayiraad dhinaca cirka, dhulka iyo badda.

Boqor Salman ayaa cafiska ku dhawaaqay isagoo ku sugan Masar, halkaasi oo uu kaga qeybgalayo shir madaxeedka u dhaxeeya ururka Jamaacada Carabta iyo Midowga Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo diiday xabbad-joojin ku meel gaar ah

Baqaei ayaa sheegay in Tehran ay gudbisay shuruudo ku saleysan danaha qaranka iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyeyaal.

  • Caalamka

    06-04-2026

  • 04:33PM

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM