Boqorka Sacuudiga oo Qaahira tagay

Image
Image
Image
Image

QAAHIRA- Boqor  Salmaan Bin Cabdul Casiis-ka reer Sacuud ayaa manta 07-04-2016, wuxuu booqasho taariikhi ah ku tagay waddanka Masar gaar ahaan magalada Qaahira isago la kulmay madaxwenaha dalkaasi Abdel Fattah al-Sisi.

Salmaan, ayaa ugu horayn markii uu cago dhigtay madaarka Qaahira, waxaa loo sameeyay soo dhaweyn heerkeedu sareeyo iyadoo taasi lagu sifeeyay taageerada boqortooyada sucudigu u haysto xukuumadda Sisi.

Soo dhaweyn kadib labada mas’uul ayaa kulan qaatay, waxayna kawada hadleen arrimo badan oo maalgashigu ugu horeeyo iyadoo la filayo in barri oo Jimce ah kala saxiixdaan 14 hishiis qiimahiisu ku kacayo adduun lacageed oo dhan 1.5 Milyan lacagta Sacuudiga.

Sacuudiga, ayaa la filayaa inuu dalkaasi ka sameeyo maalgashi gaar ahaan gacanka Sinai.

Boqorka oo safarkiisu qaadan doono Shan bari ayaa sidoo kale khudbad u jeedin doona Barlamanka Masar isago sidoo kale kulamo la qaadan doona hogaamiyaha waddankaasi.

Safarkan ayaa lagu sheegay mid taariikhi ah oo cadaynaya xiriirka ka dhaxeeya labada hogaamiye, waxaana dalka Masar xiriir dhaw la leedahay xukuumadda Riyad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafkii Sacuudiga iyo Imaaraadka oo sii qoto dheeraaday kaddib dagaallo ka dhacay Yemen

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in Riyadh ay ka walaacsan tahay ballaarinta saameynta Imaaraadka ee dekedaha.

  • Caalamka

    21-01-2026

  • 11:04AM

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM