Boqorkii Sucuudiga Boqor Cabdallah oo geeriyoodey

Image

January 23, 2015 (GO)- Boqorkii dalka Sucuudiga Boqor Cabdallah Bin Cabdulcasiis Aalu-Sacuud ayaa saqdii dhexe ee xalay ku geeriyoodey isbitaal ku yaala magaalada Riyadh.

War-saxaafadeed kasoo baxay boqortooyada oo si toos ah looga baahiyey telefishinka qaranka ayaa lagu shaaciyey geerida Boqorka oo tan iyo bishii December ee lasoo dhaafay xanuun dhanka feeraha ah la il darnaa.

Boqorka geeriyoodey oo 90 jir ahaa waxaa bedeli doona walaalkiis Salmaan Binu Cabdaulcasiis Aalu-Sacuud.

Cabdallah Bin Cabdulcasiis oo ahaa boqorkii lixaad ee boqortooyada Sucuudiga, wuxuu xukunka la wareegey sanadkii 2005, markaasoo uu geeriyoodey walaalkiisa boqor Fahad Bin Cabdulcasiis Aalu-Sacuud.

Madax badan oo caalamka ah  ayaa ka tacsiyeeyey geerida boqor Cabdallah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM

Thailand Oo Duqeyn Ka Fulisay Xuduuda Ay La Wadaagto Cambodia

Wasiirka Warfaafinta Cambodia, Neth Pheaktra, ayaa sheegay in dadka ku nool dhowr tuulo oo xuduuda u dhow la daad gureeyay.

  • Caalamka

    08-12-2025

  • 08:03AM