Boqorkii Sucuudiga Boqor Cabdallah oo geeriyoodey

Image

January 23, 2015 (GO)- Boqorkii dalka Sucuudiga Boqor Cabdallah Bin Cabdulcasiis Aalu-Sacuud ayaa saqdii dhexe ee xalay ku geeriyoodey isbitaal ku yaala magaalada Riyadh.

War-saxaafadeed kasoo baxay boqortooyada oo si toos ah looga baahiyey telefishinka qaranka ayaa lagu shaaciyey geerida Boqorka oo tan iyo bishii December ee lasoo dhaafay xanuun dhanka feeraha ah la il darnaa.

Boqorka geeriyoodey oo 90 jir ahaa waxaa bedeli doona walaalkiis Salmaan Binu Cabdaulcasiis Aalu-Sacuud.

Cabdallah Bin Cabdulcasiis oo ahaa boqorkii lixaad ee boqortooyada Sucuudiga, wuxuu xukunka la wareegey sanadkii 2005, markaasoo uu geeriyoodey walaalkiisa boqor Fahad Bin Cabdulcasiis Aalu-Sacuud.

Madax badan oo caalamka ah  ayaa ka tacsiyeeyey geerida boqor Cabdallah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Duqeeyey 140 Bartilmaameed oo ku Yaalla Iran

Dhanka kale, Iiraan ayaa la sheegay inay jawaab ahaan weerarro ku qaaday Baxrayn, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    13-07-2026

  • 09:44AM

Iiraan oo xirtay marin-biyoodka Hormuz, weerarna ku qaadey dalalka Khaliijka 

Iiraan oo sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado ismiidaamin ah ku weerartay Jordan, Bahrain, Kuwait, Qatar iyo Cumaan.

  • Caalamka

    12-07-2026

  • 11:16AM