UK oo soo saareysa xeerar lagu xakameynayo safarka dhallinyarada

Image

March 9, 2015 (GO)- Dowladda Britain ayaa qorsheynaysa inay soo saarto xeerar cusub oo lagu xakameynayo dadka dhallinyarada u badan ee ka tegeya dalka Britain, si ay ugu  biiraan kooxaha xagjirka ah gaar ahaan ururka Daacsih (IS) ee fadhigiisu yahay dalalka Iraq iyo Syria.

James Brokenshire oo ah sarkaal ka tirsan wasaaradda amniga Britain ayaa warkan sheegay isagoo xusey in qorshahan cusubi sahlayo in si fudud loola socdo dhaq dhaqaaqa dhallinayarada jihaad doonka ah ee ka tegeysa Britain.

"xeerkan muhiimka ahi wuxuu xakameynayaa awoodda dadku u heli karaan inay dibadda u safraan si ay uga garab dagaalamaan Daacsih kadibna dib usoo laabtaan" ayuu yiri isagoo intaas raaciyey " xeerkani wuxuu sidoo kale kordhinayaa awoodda aan u leenahay inaan la socono kana hortagno ficillada kuwa wax u dhimi kara ammaanka"

Sharcigan ayaa haddii uu dhaqan galo wuxuu cadaadis ku saarayaa shirkadaha duulimaadka inaysan qaadi karin shaqsiyaadka laga shekiyo kuwaasoo qaab electronic ahaan ah xogtooda loogu gudbin doono.

In ka badan lix boqol oo qof oo ka tegey dalka Britain ayaa la rumeysan yahay inay ka barbar dagaalamaan kooxda IS, dadkaas waxaa kamid ah ninka Daacish u qaabilsan gowraca dadka oo lagu magacaabo Jihadi John.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Trump oo Dalbadey Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize 

Aqalka Cad iyo Guddiga Abaalmarinta Nobel ee Norway ayaa ka gaabsaday in ay ka jawaabaan codsiyo warbaahinta ku saabsan warkan.

  • Caalamka

    18-08-2025

  • 06:16AM

Caasimadda dalka Yemen, Sanca ah oo La Duqeeyay - Fahfaahin

Dhinaca kale, Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa horey u qaaday weerarro cirka ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta.

  • Caalamka

    17-08-2025

  • 05:46AM