Caafimaadka Kim Jogn Un oo laga deyriyey kadib qaliin lagu sameeyay

Image

WASHINGTON, US – Sirdoonka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ay dabagal ku hayaan xaalada caafimaad ee hogaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi, Kim Jogn Un, iyo suurtagalnimada in ay liidato.

Hadalkaas ayaa imaanaya xilli wargeyska Daily NK ee fadhigiisu yahay Kuuriyadda Koonfureed uu shaaca ka dhigay in Kim uu qaliin galay 12-ka bishaan April sanadkan aynu ku jirno ee 2020.

Sidda ku xusan warbixinta jaraa'idkan diirada saara dalkaas, qaliinka ayaa looga sameeyay wadnaha sabab la xiriirta "cayilkiisa, shaqada oo ku badatay iyo sigaar-cabistiisa oo xad-dhaaf ah".

Saraakiil ka tirsan mukhaabaraadka Mareykanka ayaa rumeysan in warka ku saabsan xaalada caafimaad ee Kim uu xaqiiqo yahay balse ay aad u kooban tahay fursad lagu heli karo tafaasiil dheeri ah.

Shakiga la gelinayo badqabka Kim ayaa xoogeystay kadib markii uusan kasoo muuqan munaasabado waaweyn oo wadankaas ka dhacay.

Xafladaha uu seegay waxaa kamid ah dabaaldega dhalashada aabihii taasoo qabsoontay 15-ka April, 2020. Intaas waxaa wehlisa, in uusan tan iyo bilowgii bishaan kasoo muuqan telefishinka dowlada.

Kuuriyadda Waqooyi ayaa nan lahayn warbaahin madax banaan. Tani waxay hoos u dhigtay fursad lagu heli karo xogta hoose ee dalkaas. Sidoo kale, macluumaadka Kim waa laga ilaaliyaa war-fidiyeenka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Elon Musk kadib markii uu dhisay xisbiga cusub ee "American Party"

Muranka ka dhashay miisaaniyadda qarashka dowladda ayaa sababay kala fogaansho weyn oo u dhexeeya Trump iyo Musk.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 05:49AM