Caafimaadka Kim Jogn Un oo laga deyriyey kadib qaliin lagu sameeyay

Image

WASHINGTON, US – Sirdoonka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ay dabagal ku hayaan xaalada caafimaad ee hogaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi, Kim Jogn Un, iyo suurtagalnimada in ay liidato.

Hadalkaas ayaa imaanaya xilli wargeyska Daily NK ee fadhigiisu yahay Kuuriyadda Koonfureed uu shaaca ka dhigay in Kim uu qaliin galay 12-ka bishaan April sanadkan aynu ku jirno ee 2020.

Sidda ku xusan warbixinta jaraa'idkan diirada saara dalkaas, qaliinka ayaa looga sameeyay wadnaha sabab la xiriirta "cayilkiisa, shaqada oo ku badatay iyo sigaar-cabistiisa oo xad-dhaaf ah".

Saraakiil ka tirsan mukhaabaraadka Mareykanka ayaa rumeysan in warka ku saabsan xaalada caafimaad ee Kim uu xaqiiqo yahay balse ay aad u kooban tahay fursad lagu heli karo tafaasiil dheeri ah.

Shakiga la gelinayo badqabka Kim ayaa xoogeystay kadib markii uusan kasoo muuqan munaasabado waaweyn oo wadankaas ka dhacay.

Xafladaha uu seegay waxaa kamid ah dabaaldega dhalashada aabihii taasoo qabsoontay 15-ka April, 2020. Intaas waxaa wehlisa, in uusan tan iyo bilowgii bishaan kasoo muuqan telefishinka dowlada.

Kuuriyadda Waqooyi ayaa nan lahayn warbaahin madax banaan. Tani waxay hoos u dhigtay fursad lagu heli karo xogta hoose ee dalkaas. Sidoo kale, macluumaadka Kim waa laga ilaaliyaa war-fidiyeenka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxda dalalka Khaliijka oo Shir Degdeg ah ku yeeshay Saudi Arabia 

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SPA, shirkan waxaa xoogga lagu saaray iskudubaridka dadaallada looga jawaabayo xaaladaha cakiran.

  • Caalamka

    28-04-2026

  • 06:44PM

Maxay ka dhigan tahay ka bixitaanka United Arab Emirates ee OPEC?

Ururkan waxaa la aasaasay sanadkii 1960 magaalada Baghdad ee caasimadda dalka Iraq…

  • Caalamka

    28-04-2026

  • 04:37PM