Canada: booliska oo xirey dad qorsheynayey inay suuq weeraraan

Image

March 4, 2015 (GO)- Booliska gobolka Nova Scotia ee dalka Canada ayaa xirey saddex qof oo lagu soo eedeeyey inay qorsheynayeen weerar bartilmaameedkiisu ahaa goob laga dukaameysto oo aad u mashquul badan (Mall).

Pierre Bourdages oo ah sarkaal ka tirsan booliska Halifax ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in saddexda qof oo midkood haweeney tahay gacanta lagu dhigey kadib markii laga shekiyey inay weerar ku qaadi lahaayeen Mic Mac Mall oo ku yaalla duleedka magaalada.

Sarkaalkaas ayaa sidoo kale sheegay in eedaysaneyaasha xilligan baaritaan lagu wado welina aan la xaqiijin karin in shekiga laga qaaday sax ahaa iyo in kale

Al-shabaab ayaa bishii hore ku gooddidey inay weerari doonto goobo laga dukaameysto oo ku yalla wadamada reer galbeedka.

Goobaha sida gaarka ah loo tilmaamey waxaa kamid ah Mall of America oo ku yaalla gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka; West Edmonton Mall oo ku yaalla Canada iyo Oxford Street oo ku yaalla London.

GAROWE ONLINE + AFP

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM