Canada: Dabka Alberta oo sii baahaya

Image

Dabka xooggan ee ka holcaya gobolka Alberta ee dalka Canada, ayaa hadda laga cabsi qabaa inuu ku faafo gobolka deriska la ah ee Saskatchewan, sida ay sheegayaan saraakiisha dalkaasi.

Dabeylo deegaanka ka socda ayaa caqabad ku noqday dadaalka ay wadaan boqolaalka dab demiska ah ee aaggaasi ka howlgalaya. Dabka ayaa dhaliyay in 80,000 oo qof laga daadgureeyo magaalada shidaalka laga qodo ee Fort McMurray, waxaana ay saraakiishu sheegayaan in ay wadaan daadgureynta kumannaan qof oo ku xanniban waqooyiga magaaladaasi.

Waxaa la rumeysan yahay in dabkaasi uu hadda gubay keymo iyo dhul baaxadooda lagu qiyaasay saddex iyo bar kun oo kilo mitir oo isku-weer ah.
Saraakiisha ayaa ka digaya in haddii aanu roob deegaankaasi ka di’in, ay dabeylaha jira dabka sii hurin karaan muddo bilooyin ah.

BBC

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM