Caro caalami ah oo ka dhalatay siyaasi gubay Kitaabka Qur'aanka
ANKARA, Turkey - Waxaa isa soo taraya cambaaraynta ka imanaysa wadamada Carabta iyo Islaamka, kuwaas oo lagaga soo horjeedo gubista kitaabka Qur’aanka kariimka ah, kaas oo uu ku gubay mid ka mid ah siyaasiyiinta garabka midig ee Sweden-Danishka kaasoo falkan ka geystay caasimadda dalka Sweden ee Stockholm.
Rasmus Paludan oo ah hogaamiyaha xisbiga Stram Kurs (Hard Line) oo ay ilaalinayaan booliska isla markaana ogolaansho ka heysta dowlada ayaa Sabtidii ku gubay nuqul kamid ah qur’aanka kariimka ah afaafka hore ee safaarada Turkiga ee magaalada Stockholm.
Sacuudi Carabiya ayaa ku cambaareysay mas’uuliyiinta Sweden inay u ogolaadeen siyaasiga midigta fog inuu gubo qur’aanka kariimka ah. Wasaaradda arrimaha dibadda Masar waxay ku tilmaantay "fal fool xun" dhacdadaas.
Qatar ayaa sidoo kale si kulul u cambaareysay ogolaanshaha Sweden ay u bixisay in lagu gubo Qur’aanka kariimka ah banaanka safaaradda Turkiga ee Stockholm.
Imaaraatka Carabta (UAE) ayaa sidoo kale cambaareysay dhacdada waxayna ku celisay "diidmada dhammaan dhaqamada looga dan leeyahay in lagu carqaladeeyo amniga iyo xasilloonida ee ka hor imaanaya qiyamka aadanaha iyo mabaadi'da suuban."
Cumaan ayaa ku tilmaantay falka gubida qur’aanka kariimka ah “ficil lagu kicinayo dareenka Muslimiinta iyo mid hurin colaadeed iyo nacayb, oo ay gaystaan xagjiriinta Sweden”.
Wasiirka arrimaha dibadda Kuwait Sheikh Salem Abdullah Al-Jaber Al-Sabah ayaa sidoo kale cambaareeyay gubitaanka qur’aanka kariimka ah, isagoo sheegay in dhacdadani ay dhaawacayso shucuurta Muslimiinta caalamka oo dhan, ayna muujinayso daandaansi daran.
Iran ayaa sidoo kale ku tilmaantay gubista qur’aanka inuu yahay isku day lagu kicinayo nacaybka iyo rabshadaha ka dhanka ah Muslimiinta. Tehran waxa ay sheegtay in qaar ka mid ah wadamada Yurub ay ku marmarsiyoonayaan in ay u doodaan xoriyada hadalka "una ogoladaan kuwa xagjirka ah in ay faafiyaan nacaybka ka dhanka ah xurmada iyo qiyamka Islaamka."
Jordan ayaa ku biirtay kooxda cambaareynta, iyadda oo carabka ku adkeeysay "diidmada falkan oo hurinaya nacaybka." Amman ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la faafiyo dhaqanka nabadda iyo aqbalaadda ee Islaamka, iuadda oo intaa ku dartay "in la cambaareeyo xagjirnimada waa mas'uuliyad wadajir ah oo cid walba saaran".
GAROWE ONLINE