China: 11 qof oo ku dhintey god dhuxusha laga qodo

Image

November 27, 2014 (GO)- Ugu yaraan 11 qof ayaa ku geeriyoodey qarax ka dhacay god dhuxul-dhagaxda laga soo saaro oo ku yaalla gobolka Guizhou ee koonfurta dalka China.

Qaraxan ayaa noqonaya kii labaad ee muddo 48 saac gudahood ah ka dhaca China maadaama 24 qof ku dhinteen qarax kale oo shalay ka dhacay god ku yaalla gobolka Liaoning.

Wakaaladda wararka Shiinaha Xinhua waxay baahisey in godka dumey 19 qof ka shaqeynayeen haseyeeshee la xaqiijiyey geerida 11 kamid ah 8da qof ee kalena aan la ogeyn inay badbaadeen iyo in kale.

Xinhua waxay sidoo kale baahisay in ilaa iyo hadda aan la garaneyn sababta qaraxa keentay balse boolisku wadaan baaritaan arrintaas la xiriira.

Shilalka caynkan ahi si joogto ah ayey uga dhacaan dalka China waxaana sanad kasta ku geeriyooda boqollaal shaqaale ah oo rag u badan.

Sanadkii hore ee 2013 keliya waxaa la diiwan geliyey 589 shil oo godadka macdanta laga qodo ka dhacay, kuwaasoo galaaftey nolosha 1,049 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo si kulul uga hadlay weerarada ka dhacay Lubnaan

Ku dhowaad 10 qof ayaa ku dhintay falkan halka ay ku dhaawacmeen tiro ka badan labo kun ruux.

  • Caalamka

    18-09-2024

  • 10:36AM

Weerar Xooggan: Qalab Isgaarsiinta ay Hezbollah Isticmaashay oo Qarxay, Khasaare Badan oo Ka Dhashay

Sida la soo wariyey, weerarkan ayaa ka dhashay kadib markii sirdoonka Israa’iil ay farriin u direen…

  • Caalamka

    17-09-2024

  • 04:18PM