China iyo Kuuriyada Koonfureed oo ka jawaabay wararka laga faafiyey Kim

Image

SEOUL, South Korea – Dowladaha Shiinaha iyo Kuuriyadda Koonfureed ayaa beeniyay wararka sheegaya in xaalada caafimaad ee hogaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi ay tahay mid aad u liidato.

Mas'uuliyiin ka tirsan Seoul iyo Beijing ayaa ku waramay in xogta ay helayaan ay muujineyso Kim Jong Un uu yahay mid badqaba isla markaana aysan dhibaato ba'an oo haatan haysata.

Warbaahinta Mareykanka ayaa warisay in caafimaadka Kim uu halis galay kadib markii uu galay qaliin dhanka wadnaha ah.

Telefishinka maxaliga ah ee CNN ayaa kasoo xigtay sarkaal ka tirsan Sirdoonka Mareykanka in ay aad ula soco doonan xaaladda Kim.

Wargeyska Daily NK ayaa baahiyey in qaliinka lagu sameeyay Kim uu ka dambeeyay markii uu kordhay cayilka isla markaana uu badsaday sigaar-cabista iyo shaqooyin aad xad-dhaafu ah.

Joornaalka fadhigiisu yahay Kuuriyadda Koonfureed waxaa wax ku qora shaqsiyaad kasoo baxsaday maamulka go'doonsan ee Kim.

Xanta hareysay xaalada caafimaad ee Kim ayaa ka dambeysay markii uusan kasoo muuqan munaasabado waaweyn oo dhowaan dhacay.

Kuuriyadda Waqooyi ayaa nan lahayn warbaahin madax-banaan. Isha kaliya ee wararka laga helo waa saxaafadda dowladda. Marka ay timaado akhbaarta Kim Jong Un, way adag tahay in la helo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Elon Musk kadib markii uu dhisay xisbiga cusub ee "American Party"

Muranka ka dhashay miisaaniyadda qarashka dowladda ayaa sababay kala fogaansho weyn oo u dhexeeya Trump iyo Musk.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 05:49AM