China: muslimiinta oo loo diidey inay soomaan

Image

June 18, 2015 (GO)- Dowladda Shiinaha ayaa mamnuucday in laga soomo gobolka Xinjiang, gobolkaas oo dadka ku nooli u badan yihiin muslimiinta ku abtirsada qomiyadda Uighur ee laga tirada badan yahay.

Maamulka gobolka Xinjiang ayaa amar ku bixiyey in aysan soomi karin shaqaalaha dowladda, ardayda, macallimiinta iyo xubnaha ka tirsan xisbiga shuuciga ah ee talada dalka Shiinaha haya.

"maqaaxiyaha iyo goobaha kale ee cuntadu  si caaadi ah ayey u furnaanayaan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan" sidaas waxaa lagu baahiyey website-ka ay adeegsato hay'adda dalkaas u qaabilsan maareynta cuntada iyo maan-dooriyaha.

Dhanka kale, dadka muslimka ah ee gobolka Xinjiang ku nool ayaa arrintan ku tilmaamay xad-gudub iyo xorriyad la'aan Muslimiinta lagu ridayo, maadaama amarkani caqabad ku yahay inu gutaan waajibaadkooda diiniga ah.

Qowmiyadda Uighur oo asalkeedu Turkish yahay, kana mid ah 56 qowmiyadood oo Shiinaha ku nool, waa dad Muslimiin u badan, waxayna deegaan ahaan ku xooggan yihiin gobolka Xinjiang.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM