​Ciidamada Afghanistan oo ku duulay ururka Taliban

Image

Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan ayaa sheegaya in ciidamada waddankaasi duullaan ku qaadeen fariisimo ay leeyihiin mallayshiyaadka Taliban ee dagaalka kula jira xukuumadda Kabul.

Ciidamadan oo gaashaan islamarkaana weheliyaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa wararku sheegayaan inay gaareen gobolka dhaca Koonfurta dalkaas ee Helmand.

Diyaaradaha dagaalka ayaa durba bilaabay weeraro ay la beegsanayaan saldhiyada ururkaas ee ku yaalla nawaaxiga caasumadda gobolkaasi ee Lashkar Gah.

Goobaha la duqeeyay ayaa ah fariisimaha Taliban ay kasoo abaabulaan weerarada lagu qaado caasumadda gobolkaas sida mas'uuliyiinta dowladdu sheegayaan.

Warar hor dhac ayaa xusaya in dagaal xoog leh dhexmaray ciidamada Afghanistan iyo mallayshiyaad katirsan ururka Taliban.

Lashkar Gah, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad laba boqol oo kun oo qof ayaa la sheegayaa in ay go'doonsaneyd iyada oo dad badanna ay isku dayayeen in ay ka cararaan dagaalka.

Helmand ayaa ah gobolka ugu weyn ee dalka Afghanistan waxayna sidoo kale tahay meel istaraatajiyad iyo muhiimad dhaqaale leh.

Majirto ilaa hadda khasaaro la xaqiijiyay, balse goob joogayaal ku sugan nawaaxiga dagaalku ka socdo, ayaa warbaahinta u sheegay in xaaladdu u muuqato mid wata halisteeda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM